arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal “Aan La Rumeysan Karin” Mataano Ku Jira Uurka Hooyadood oo Feertamaya!

Waxey u muuqataa in tartanka u dhaxeeya dadka walaalaha ah uu jiro xitaa inta aaney dhalan ka hor, waa arrinta uu muujinayo muuqaal laga duubay “Ultrasound” mataano ku jira uurka hooyadood oo dagaallamaya.

Muuqaalka laga duubay Ultrasound ee mataalnahan, ayaa lagu qaaday xarun caafimaad mid ka mid ah isbitaallada Shiinaha, mataanahan ayaa la arkayay iney feertamayaan, waa sida ay qortay jariidada The sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Mataanahan ayaa dhanka internetka ugu caan baxay “Tasheeri” iyo “Istaroobari”, muuqaalkan oo la duubay sanadkii hore isla markaana dhawaan la sii bandhogay ayaa lagu duubay qalabka “Ultrasound”, waxaana laga dheehan karaa mataanaha oo feer is dhaafsanaya.

Aabaha dhalay mataanahan oo la yiraahdo “Tow” ayaa jaraa’idka maxalliga ah u sheegay inuu ahaa qofkii duubay muuqaalka iyagoo xilligaa joogay isbitaal ku yaalla magaalada Yanshuwan ee dhex bartamaha Shiinaha.

Aabanahan 28 jirka ah ayaa caddeeyay iney lama filaan ku noqotqay oo uu rumeysan kari waayay waxa ay indhihiisu qabteen, kadib markii uu arkay mataanaha oo feertamaya.

Muuqaalkan ayaa si xoog ah ugu faafay Internetka kadib markii ay faafisay jariidada China Today.

Sida uu aabanahani tilmaamay maaha tani markii koowaad ee la arko mataanahan oo isla falgalya kuna, sawirrada qaar ayaa muujinaya mataanahan oo laabta is gelinaya, aabanahan ayaa u rajeeyay in labadiisa gabadhood ay si wanaagsan iskula koraan oo ay isla qabsadaan, maadama ay hadda dhasheen oo ay ifka joogaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close