arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Yar Oo Ooyeysa oo Ku Guuleysatay Sawirka Ugu Wanaagsan 2019.. Sheekadeedu Waxa Ay Ku Khasabtay Xukuumadda Mareykanka Iney Bayaan Ka Soo Saarto (Muuqaal)

Isbuucan waxaa lagu dhawaaqay dadkii ku guuleystay sawirka Photographerka ugu wanaagsan ee Jaraa’idka dunidu ay qaadeen sanadka 2019, tartan ay ka qeybgaleen 4,738 sawir qaade heer caalami ah.

Sawirro ka badan 78-kun ayaa dadkii tartarnka qaban qaabiyay ay ka xusheen sawirka canug yar oo Hunduras u dhalatay oo la yiraahdo Yaniilla Sanjez oo qeylinaysa oo joogta xuduudda Mareykanka iyada iyo aabaheed Sandara waxaa lagu qabtay meel u dhow magaalada yar ee Makaaliin ee gobolka Taxis ee gudaha dalka Mareykanka.

Sawirkan ayaa la qaaday June, 2018, cinwaankiisuna waxa uu ahaa “Ilma yar oo ku ooyaysa xududda”, waa sida uu  sheegay webiste-ka “World Press Photo.”

Bani’aadanimada iyo Baqdinta sii Kordhaysa

Moore oo ka tirsan photographerka ugu caansan ee ka tirsan wakaalladda Getty Images, ayaa waxa uu yiri: “Waxaan aaminsan nahay in sawirkani uu gilgilay quluubta dad badan sida ay aniga qalbigeysa u saameysay oo kale, maxaa yeelay; waxey tooshka ku ifineysaa arrin weyn oo bani’aadamnimada la xiriirta.”

Sawiraagan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri: “Marka aad dheehato wejiga Yaalliina oo hadda labo sano ka weyn, waxaad sawirkeedka ka arkaysaa bani’aadamnimada iyo baqdinta xooggan ee ay qabto, waxey soo galeen iyada aabaheed safar dheer si ay mar un u gooyaan xuduudda Mareykanka dhex bartamaha habeenkii.”

Markii sawirkani uu ku faafay daafaha kala duwan ee dunida, ayaa ciidanka xuduudda Mareykanku ay ku khasbanaadeen in xaqiijiyeen in Yanilla iyo hooyadeed aaney ku jirin dadkii la kala geeyay ee kumanaanka kun ee kala firirsan ee ciidanka xuduuddu ay u diideen iney midoobaan.

Madaxweynaha Jamhuuriga ah ee Donald Trump, ayaa  codsanaya inuu helo lacag lagu darayo miisaaniyadda Mareykanka oo gaareysa 5.7 billion oo dolar, si loogu dhiso derbi laga taagayo xududda Mexico, halka xubnaha Congress-ku ay diidan yihiin fikirkaas.

Trump ayaa waxa uu ku ballan qaaday inuu dhisi doono derbi xuduudda Maksiko uu ka taagayo, arrintaa waxaa si aad ah uga biyo diiddan xisbiga dimuqraadiga laga soo bilaabo tan iyo markii uu xukunka la wareegay Tramp 2016, arrintan ayaa keentay in miisaaniyadda xukuumadda ay si qeyb ah loo xayiro meel marinteeda muddo 35 maalmood ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close