arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Nin Inida u Dhashay oo Fartiisa u Jaray Sabab Yaab Badan oo Aan Wax Cudur-daar Ah Lahayn (Muuqaal)

Nin Hindi ah ayaa fartiisa gooyay kadib markii uu ogaaday inuu u codeeyay  xisbigii uu rabay mid aan ahayn doorashooyinkii guud ee dalkaa ka dhacay.

Dalka India waxaa wax lagu doortaa in farta la saaro calaamadda xisbiga aad taageerto, si loogu fududeeyo doorashada kuwa aan awoodin akhriska iyo qorista.

Laakiin, Pawan Kumar, oo 25 jir ah ayaa si aan ku talagal ahayn codkii ugu shubay xibigii Bahaaratiya Ganaataa ee xukuma gobolka Awtaar Baradhish ee Waqooyiga India, doorashooyinkii ugu ballaarnaa ee waddanka ka dhaca.

Kumaar waxa uu doonayay inuu u codeeyo xisbiga BSP, kaas oo matala dadka laga tirada badan yahay ee (Dalits-ka) oo uu ka tirsanaa, waa sida lagu sheegay warbixin ay ka sameysay BBC qeybta luqadda Ingiriiska ku hadasha.

Xisbiga dalka India xukuma waxaa astaan u ah oo lagu gartaa Ubaxa, halka Maroodi uu astaan u yahay xisbiga Bahugan Saamaag.

Koomaan waxa uu yiri: “Waxaan doonayay inaan u codeeyo astaanta maroodiga, laakiin waxaan farta igaga dhacday ubaxa si kama ah oo aan ku talagal ahayn.”, caradii uu ka qaaday ayuu gurigiisa dib ugu laabtay waxaana uu maqar ku jaray fartiisa.

Isbitaalka ayaa la geeyay Kumaar, waxaana uu ka soo baxay kadib markii uu helay daawadii uu u baahnaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close