Uncategorized

Masas Kasoo Eryaday Madaxweynaha Liberia Xafiiskiisa Madaxtooyada (Muuqaal)

Madaxweynaha Laybeeriya hadda maamula isla markaana horey kubadda cagta aad loogu yaqaannay oo ahaa xidigga George Weah, ayaa waxa uu ku khasbanaaday inuu howlaha dowladda ka maamulo gurigiisa, kadib markii masas lagu arkay gudaha dhismahihii xukuumadda ee xafiiskiisu ku yaallay.

Madaxweynaha iyo ma’uuliyiin kale oo xukuumadiisa ka tirsan ayaa laga codsaday iney ka fogaadaan dhisamaha shaqada, si loo hubo fayoobi qabkooda iyo in goobta laga saaro oo la hubiyo inaaney masaska sunta badan aaney joogin, waa sida ay qortay Sky News.

Laybeeriya ayaa waxaa ku nool noocyo kala duwan oo masas sun badna leh, markii la hubsado dhisamaha inaanuu mas ku jirin ayaa waxaa dib ugu shaqa bilaabi doona madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta xukuumadiisa gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda oo dhismaha ay xafiisyo uga furnaayeen.

Weah, waxa uu ka tirsanaa xidigii kubadda cagta kuwoodii ugu caansanaa adduunka, , waxa uu u soo ciyaaray naadiyo waaweyn waxaa ka mid ah, PSG, Milan, Chelsea iyo Man City, waxaanuu ku guuleystay abaalmarinta laacibka adduunka ee ay bixiso FIFA sanadkii 1995.

Isla Sanadkii xigay ee 1996 waxa uu ku guuleystay laacibka Qaaradda Afrika, sidaad oo kale waxa uu ku guuleystay abaalmarinta kubadda dahabka ee Ballon d’Or.

January 2018, ayaa waxa uu noqday madaxweynaha waddankiisa Laybeeriya kadib markii uu siyaasadda ku biiray oo xisbi uu hoggaaminayo uu ku guuleystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close