Uncategorized

Muuqaal Baqdin Badan Abuuray.. Iska Hor Imaad Dhex Maray Sawir Qaade iyo Xayawaan Ugaarsade Ah (Muuqaal)

Waxaa is waajahaya sawir qaade iyo Haramacad doonayey inuu ugaarsado oo gaarigigii uu saarnaa dusha sare uga soo booday.

Sawir qaadanahan ayaa isku dayay inuu sawirro ka qaato oo muuqaal dabiici ah uu ka duubto xayawaanka duurka, inta aanuu usoo dhawaan Haramacad isku dayay inuu gaarigii uu saarnaa ugu koro, laakiin sawir qaadihii uu hor istaagay oo uu ka horjoogsaday inuu gaariga u soo koro.

Haramadacadka ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xawanaanada duurka kuwooda ugu awoodda badan, xawaan kasta oo ka awood yar oo aadanahu ku jiro waa uu u gaarsadaa oo kama gambado, Waxaa lagu yaqaanna xawaarihiisa sare ee gaaraya 120-kiiloomitir saacaddii.

Sida muuqaalkan laga dheehanayo, Haramacdku waxaa dhici karta inuu doonayay inuu sawir qaadaha ka dhigto ugaartiisa, laakiin geesinimadiisa ayaa u suurtaggelisay inuu ka hortago oo uu iska difaaco si aanuu u soo gaarin.

Muuqaalka ayaa waxaa laga maqlayaa codka qof kale oo gaariga ku dhex jira oo sawir qaadahaa ku leh, gaariga inoo kaxee, halka uu isagu dejinayo oo uu ku leeyahay wax dhibaato ah ma laha xaalkuna waa caadi.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close