Uncategorized

Farqiga u Dhaxeeyaa waa 97 Maalmood.. Wax Ka Ogow Sheekada Ugu Yaabka Badan ee Labo Mataano Ah oo Kala Dhashay Labo Sano oo Kala Duwan (Muuqaal)

Dalka Jarmalka ayaa waxaa ka dhacay xaalad naadir ah, labo mataano ah oo kala dhashay labo sano oo kala duwan, farqiga u dhaxeeya dhalashadooda waxa uu gaaray 97 maalmood, waa muddo ku dhow saddex bilood oo dhammeystiran.

Mataanahan la kala yiraahdo  Liana iyo Leonie ayaa waxey u dabbaaldageen recordka farqiga maalmaha u dhaxeeya mataanaha ee ugu badan, hooyadu mataanaha koowaad waxey dhashay November 17, 2017, xilligaas oo mataanaha labaad uu 6 bilood ku ahaa uurka hooyadii, halka mataanaha labaad u dhashay 3 bilood kadib, gaar ahaan February 22, 2018, sidaas ayey labada mataane u noqdeen kuwo dhashay labo sanno oo kala duwan waa sida ay qortay jariidada Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda oo dhacdadan dhawaan daabacday.

Dhakhtarka dhalmada ee hooyada ka dhaliyay oo la yiraahdo Dr Schellenberger, ayaa yiri, tani waa markii ugu horreysay ee farqiga xilliga u dhaxeeya dhalashada labada mataane uu gaaro in ka badan 3 bilood, sida caadiga ah waxey mataanuhu kala dambeeyaan saacado iyo daqiiqado oo qura.

Waxaa xusud mudan, in 2012 Ireland uu ku dhashay mataano kala dambeeyay 87 maalmood.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close