Uncategorized

Waxa Uu Dilay Xaaskiisa iyo Gabdhihiisa Marka Mid Laga Reebo.. Wax Ka Ogow Sababta Ku Kaliftay (Muuqaal)

Nin xaaskiisii dilay isla markaana sii raaciyay gabadhihiisa dhamman marka laga reebo mid iyadoo nool laga helay sariir hoosteeda.

Sida ay qortay jariidada “Mirror”, Austin Smith ayaa waxa uu dilay saddex ka mid ah xubnaha qoyskiisa, waxa uu aaminsanaa in xaaskiisu ay xiriir la lahayd nin kale, waxa uu sidoo kale dilay ninkii uu aaminsaa inuu xaaskiisa xiriir la lahaa.

Boolisku waxey heleen , Dasia Patterson oo ahayd xaaskiisa Smith oo 29 jir ah, oo mayd ah oo ay gabar yaallaan gabadhaheeda “Miyan” oo 7 jir aheyd, iyo “Nasha” oo 5 sanno jir ah gudaha gurigooda, halka ay ka badbaadday gabar yar oo 3 jir ah oo ku dhuumatay sariirta hoosteeda, sida warbixinnada qaar ay sheegayaan gabadhan yar waxa uu u daayay waxa uu aaminsanaa iney u eeg tahay, halka labadi gabadhood ee uu dilay ay hooyadood raaceen dhanka u ekaanshiyaha.

Markii uu hubsaday inuu xaaskiisa iyo gabadhihiisa dilay ayaa waxa uu u dhaqaaqay dhanka guriga “Ron Feriman” oo uu ku tuhuhsanaa inuu xiriir la lahaa xaaskiisa, xabbad ayuu ku furay wuuna dilay, labo qof oo kale nin 33 jir ah iyo haweenay 47 jir ah ayaa si dirqi ah uga badbaaday oo uu doonayay inuu nafta dhaafiyo.

Smith waxaa qabtay booliska waxaana uu ku eedaysan yahay 4 dil oo darajada koowaad ah, iyo labo iskuday dil oo darajada koowaad ah, iyo sidoo kale saddex eedo oo kale oo xad gudub khuseeya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close