Uncategorized

Dhakhaatiir Ku Guuleystay Qalliin Ay Buro Weyn oo 15kg Ah Uga Soo Saareen Riximka Gabar Yar oo 16- jir ah (Muuqaal)

Dhakhaatiirta India ayaa waxey jiridada u siibeen buro weyn oo ku abuurneyd gudaha riximka gabar 16 jir ah, dhakhaatiirta aad bay uga fajicisay markii ay burada qalliinka ay ku fulinayeen gudaha isbitaalka Saariin ee Benjab, waa sida ay qortay jariidada The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Gabadhan ayaa qaalliinka lagu lagu sameeyay kadib markii ay dhakhaatiirtu ku fashilmeen iney daaweeyaan xaruur daran oo gabadhani ay ka dareemaysay dhanka caloosha, iyadoo caadada billaha ahna ay gebi ahaanba ka go’day gabadhan.

Gabadhan ayaa fursad labaad oo dhanka nolosha ah ay u noqotay kadib markii burada laga soo xididdo siibay riximkeeda si guul leh, Arbacadii hore April 17, 2019, buradan dhakhaatiirtu ma aaminsana iney kansar tahay, waxaana la rajeynayaa iney si buuxda u bogsato.

Aabaha gabadhan dhalay ayaa sheegay, in Rafi Darbal Sing oo ka soo jeeda  Fayruuzboor ee gudaha gobolka Benjab, ayaa waxa uu yiri; qoysku waxey dareemeen iney dhibaato jirto, markii ay gabadha ka go’day caadada billaha ah ee caado ahaan ay dumarku helaan.

Bilowgii hore waxey u geeyeen dhakhtarka si xanuunka ay dareemayso looga caawiyo, laakiin xaaladdii ayaa ku sii xumaatay, kadib markii dhowr jeer oo is xig xigtay qiimeyn lagu sameeyay ayaa la arkay buradan weyn ee riximkeeda ku taalla.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close