Uncategorized

Maxbuus u Baxsaday Dhanka Jasiiradaha Canarias… Kadibna Sameeyay Arrin Aaney “Cidina Ku Fakarin” (Muuqaal)

Maxbuux Austria u dhashay ayaa 10 sano ka hor ka cararay xabsi ku yaalla dalkiisa, waxa uu ku guuleystay inuu aado oo uu u baxsado dhanka jasiiradaha Canarias, halkaas oo uu ku noolaa jasiiradahaa soo jiidashada badan mudadaas oo dhan, laakiin maali dhaweyd ayuu qaaday tallaabo lama filaan ah oo dad badan ay ku adkaatay iney fahmaan sida ay suurtaggal u tahay.

Wakaaladda Associated Press, ayaa sheegtay in ninkan maxbuuska ah oo (64 jir ah) uu waddankiisa dib ugu soo laabtay, waxa uu is geeyay saldhigga booliska oo ku yaalla boosteejo tareenka magaalada  Salisborg.

Wakaaladdu waxey intaa ku dartay in ninkan da’da lixdamaadka ah ku jiraa uu booliska gaarsiiyay in maxbuus baxsad ah uu soo gaaray airport-ka Munikh ee gudaha Jarmalka ee dalkiisa deriska la ah, isagoo sheegay sabab layaab badan oo uu isku dhiibayo.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu u sheegay in 10-sano ee la soo dhaafay uu ku sugnaaa jasiiradda Taynireyfi oo ah jasiirad caan ah oo fasaxyada lagu qaato oo ku taalla gudaha jasiiradaha la isku yiraahdo Islas Canarias.

Sida ay boolisku tilmaameen, ninkan ayaa waxa uu rabay inuu waddankiisa dib ugu laabto maadaama uu u hiloobay, isla markaana xabsiga dib loogu celiyo, maadama jasiiraddii uu ku noolaa ee Teenireefi aaney u wanaagsaneyn sidii hore, muddo ku fulanna uu halkaa ku noolaa.”, inuu halkaa kusii noolaadana aanuu rabin.

Booliska ayaa hubiyey inuu xabsi ku yaalla bariga Austria ka baxsaday, halka loo gudbiyay xabsi kale oo ku yaalla Salisborg.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close