Uncategorized

Sababahan Ka Feejignaada… Waa Wadada Furriinka iyo Kala Tagga u Horseedda Lamaanaha (Muuqaal)

Sabababaha keena furriinku wey farabadan yihiin, haba ugu horreyso in lamaanaha mid kood uu codsado oo tallaabada koowaad uu isagu qaado.

Jariidada “Woman’s Day” ee dalka Mareykanka ka soo baxda ayaa soo bandhigtay saddex sababoob oo aasaasi ah ee ugu badan sababah furriinka keena; waxey kala yihiin, Khiyaanada guurka, xad gudubka jireed, iyo mukhaadaraadka.

Jariidadu waxey faafisay tilmaamayaasha hordhaca u ah farriinka iyo in la kala tagayo caddeynta u ah.

1- In dareen xooggan bilowga hore ee xiriirka la muujiyo: bilowga hore ee awoodda badan ee xiriirka waxa uu tilmaan u yahay oo la filan karaa is ku dhac xoog badan oo aad u kordhiya fursadda kala tagga iyo furriinka.

2- Xiriirkooda oo yaraada: Marka labada dhinac ay kala caraysan yihiin oo gaabka u dhaxeeyaa uu sii kordho, labadii dhinacna ay u suurtageli weydo iney xaaladda ka wada hadlaan, waa sababaha ugu badan ee furriinka keena.

3- Mashaakilka maaliyadeed: Lacagtu waxey kaalin weyn ka ciyaartaa xaalado badan oo kala tag ah, waana marka lamaanaha mid kood ay ku adkaato inuu fahmo xaaaladda iyo wax la’aanta jirtana ay ku adkaato inuu la qabsado.

4- Kalsoonida oo wiiqanta: Waa dareen in aad aaminto in lamaanahaagu aanuu kuu hayn goob aamin ah oo aad ku wada xiriiri kartaan ama jacaylkiinna aad ku dhisi kartaan, halkaas oo qof ka mid ah lamaanihii uu ka raadinayo qof kale oo uu nolosha la qeybsado.

5- Caruurta: waa mid khusaysa caruur dhalista ama habka tarbiyadooda oo la isku khilaafo laguna kala aragti duwanaado.

6- Ixtiraamka oo laga tago: lamaano farabadan oo fadhiyo dib u heshiin ah loo sameeyay ayaa sheegay iney u baahan yihiin iney xiriirkooda wanaajiyaan, iyadoo ay jirto in si dhab ah uu u lumay ixtiraamkii ay isku hayeen ee ay noloshu ku dhisneyd.

7- Inaad dhulka ku jiiddo ama aad xaqirto lamaanahaaga: Waa inaad yaraysato arrinta lamaanahaaga oo aad ku jeesjeesto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close