Uncategorized

Joornaal Mareykan ah oo Xushay Haweenayda Ugu Quruxda Badan Sanadka 2019

Joornaalka “People” ee dalka Mareykanka ka soo baxa ayaa faafiyey haweenayda ay u doorteen iney tahay tan ugu quruxda badan adduunka, sawirkeedana waxey kusoo daabaceen garbadka sare ee joornaalka.

Haweynayda aktaradda ah isla markaana filimaanta sameysa ee “Jannifer Garner”, ayaa ku guuleysatay haweenayda ugu quruxda badan sanadka, waa sida ay ku xulatay jariidadan Mareykanka ah.

Garner, ayaa kulan uu telefishin la yeeshay ay ku tiri: “Marwalba oo aan muraayadda eego fikir ayey igu kordhisaa, maxaan dunida ku soo kordhin karaaa, markaan  farxad weyn ayaan dareemaa.”, iyadoo xilligaa tilmaameysay inaaney iska nooleyn ee ay doonayso iney aadanaha wax wanaagsan ku soo kordhiso, waxey hadalkeeda sii raacisay inaaney guusheeda nolosha si sahlan ku gaarin ee ay waddo dheer iyo dhibaato adag u martay.

Gerner, waxey shacbiyad xoog badan ku heshay kaalintii ay ku lahayd musalsalkii sirdoonka Mareykanka ee “Jasuus”, sidaas oo kale waxey heshay abaalmarinno Golden Globe Award oo ay ka heshay ururuka jilayaasha.

Waxaa kale oo lagu bartay kaalintii ay ku lahayd aflaamta “Kingdom ، Juno ، Timothy Green’s Strange Life, Dallas Buyers Club ، With Love، Simon

Goobjoog Edu

Related Articles

Close