Uncategorized

Fal Dambiyeed Argagax Badan iyo “Ficil Aad u Fool Xun” oo Ay Dhakhaatiir Kula Kaceen Gabar Bukaan ah oo Doowo u Doonatay (Muuqaal)

Kadib markii ay xanuun badan ka dareentay ilkaheeda ayaa waxey goosatay iney dhakhtarka aaddo si ay isku daaweyso, laakiin bedelkii ay daryeel caafimaad heli lahayd ayey la kulantay kufsi wadareed iyo dil loo geystay, dambigan ayaa noqday mid gilgila ra’yil al-caamka guud ee dalkaasi.

Sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah, markii ay dhakhaatiirtu kufsadeen gabadhan la oran jiray Asmat inta aaney dilin ka hor, ayaa waxey si degdeg ah ula xiriireen hooyadeed si ay ugu sheegaan in gabadheeda caafimaadkeedu uu halis ku jiro oo xasaasiyad daran ay ka qaadday daawooyinkii antibiotic ahayd oo la siiyay.

Si degdeg ah ayaa hooyadii ugu carartay dhanka isbitaalka oo ahaa mid xukuumadeed kuna yaalla magaalada Korangi ee gobolka al-Sanad ee gudaha Pakistan, dhan walba ayey ka raadisay gabadheeda, markii ay ku daashay ayey goor dambe ka heshay iyadoo meyd ah oo dhex taalla qol cidlo ah, waa sida ay sheegtay jariidada “Daily Mail”

Baaritaankii maydka gabadhan lagu sameeyay ayaa laga helay caddaymo muujinaya in la kufsaday Cismat, kadibna la sumeeyay oo sidaa lagu dilay. Halkan fartu waxey ku godan tahay 4 qof oo ka tirsan shaqaalaha Isbitaalka oo ay ku jiraan labo dhakhtar, saddex ka mid ah waa la qabtay oo waa la baarayaa, halka eedaysanaha Afaraad oo ah dhakhtar uu weli dhuumanayo oo aan la qaban.

Ra’iisul-wasaaraha gobolka al-Sand “Cali Shaah” uu amar ku bixiyey in la qaado dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon, iyadoo aan wax naxariis ah loo galeyn eedaysanayaasha oo la filayo in la maxkamadeeyo maalmaha soo aaddan.

Dumarka xuquuqda aadanaha u ol’oleeya ayaa sheegay sida ay uga argagaxeen faldambiyeedka sida uu u foolxun yahay, faldambiyeedka ay la kulantay gabadhan miskiinta ah ee dooneysay iney daawo u hesho ilko xanuunayey oo lurkooda ay la joogi kari weyday.

Madaxa guddiga xuquuqda aadanaha ee gobolka al-sand Maajida Ridwaan ayaa sheegtay iney aad uga naxday markii ay maqashay fal-dambiyeedkan aadka u foosha xun, waxeyna sheegtay iney si xoog ah u garab taagan tahay qoyska dhibaatadu ay soo gaartay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close