Uncategorized

Lug Kaliya Ayey Ku Nool Yihiin.. Qisada Mataano Isku Dhaganaa oo La Kala Jaray 13-sano Ka Hor (Muuqaal)

Markii ay dhasheen mataanaha isku dhagan ayey ahaayeen Kendara iyo Maliya Hereen 17 sano ka hor, dhakhaatiirta hooyadood ka dhalineysay waxey aaminsanaayeen in noloshaooda ay adkaan doonto oo ay waajihi doonaan khatar badan oo caafimaad, mataanahan ayaa waxey wadaagayeen caloosha, beerka, kalyaha iyo xiidmaha waaweyn.

17 sano kadib dhalashadooda Kandara iyo Maliyaa waxey ku nool yihiin nolol farxad leh, kadib markii ay galeen qalliin guuleystay Afar jirkoodii, qalliinkaasi waxa uu qaatay 26 saacadood oo xiriir ah, hadda muddo 13 sano waxey ku nool yihiin lug kaliya oo mid walibaa hal lug oo qura ayey leedahay, laakiin Alle waxa uu ku manneystay qalbi uu ka buuxo doonis iyo jacayl ay nolosha u qabaan, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Muddo 4 sano ah ayaa laga fiirsanayey in qalliin lagu kala jarayo lagu fuliyo, maadama uu qalliinku ahaa mid adag oo ka fiirsasho badan u baahan, laakiin ugu dambeyn waa lagu guuleystay, muddo 6 isbuuc ah ayey isbitaalka uga soo baxeen, waxey ku khasbanaadeen iney u adkeystaan dhabar toosin loo sameeyay laf-dhabartooda, sanooyin badanna dhakhaatiirta ayey ku noqnoqnayeen.

Waxey ku socdaan biro si gaar ah loogu diyaariyay si ay u tijaabiyaan waxwalba oo ay doonaan, waxey la noolyihiin waalidkood iyo walaaladood, laakiin waqtigooda inta ugu badan iyagaa isla qaata oo ay iskugu baxdaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close