Uncategorized

Farxaddu Da’ Goonni ah Uma Xayirna.. Lamaane Dhigtay Xafladooda Arooska Kadib Markii Ay Is Qabeen 60-sano! (Muuqaal)

Farxaddu Da’ Goonni ah Uma Xayirna.. Lamaane Dhigtay Xafladooda Arooska Kadib Markii Ay Is Qabeen 60-sano! (Muuqaal)

Marka aad ku fakarto maalinta arooskaaga, sawirka maalintaa aad iska qaaddo waxa uu noqonayaa qeyb aasaasi ah oo noloshaada ka mid ah, si xoog ah ayaad u ilaalineysaa, maadama xasuusta guurka lagu tiriyo iney ka mid tahay waxyaabaha ugu quruxda badan ee nolosha qofka, waatan la yiraahdo “Habeenka Cimriga”, sidaa darteed waxaa waajib ah inaad sawirka si gaar ah u ilaashato oo mar labaad aad dib u daawato si aad u soo ceshato xasuus qaali kugu ah.
Waana arrinta ay goosteen lamaanahan iney sameeyaan kadib 60-sano oo ay is-qabeen, xafladooda waxey ka dhigteen mid ku beegan sanad guurada guurkooda oo hab sannooyinkii hore ka duwan ay ugu dabbaaldagayaan, waa sida uu qoray website-ka “Herbeauty”.
Waa lamaane u dhashay dalka Brazil waxey isku dhaleen 9 caruurta oo ay ka farcameen 16-qof oo kale oo ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin, ma aaney haysan sawirka guurkooda, sidaa darteed; 60-sano kadib markii ay is qabeen ayaa ay goosteen iney dhigtaan xafladoodii arooska si ay u duubaan ilbiriqsiyadaa faraxadda leh mar labaad, waxey xaqiijiyeen in da’du ay tiro un tahay, aroosaddu waxey u muuqataa mid aad ugu qurux badan toobka ay dooratay, halka ,sidoo kale; aroosku uu usoo labistay hab casri ah oo aad usoo jiidasho badan.
Marka aad sawirkooda aragto ayaad ka dheehan kartaa faraxadda indhahooda ku sawiran iyo aragtida ay indhaha iska buuxsanayaa ee kalgacaylka leh, arrintaas oo kuu caddeynaysa inuu jiro “jacayl dhab” ah oo ay mudadaa ku wada joogeen.
Hawada furan, meel baadiye ah oo muuqaal dabiici ah leh oo dooggu meel walba uu is hayo iyo iftiin, miisas iyo ubaxyo caddaan ah, goobtaa aadka u quruxda badan ayaa xafladoodii arooska ay ka qabsoontay , waxeyna diiwaan geliyeen xasuustaa wanaagsan si ay u dheehdaan caruurta ay waalidka u yihiin ee ka dambeeya iyaguna ay ugu indha doogsadaan inta ay nool yihiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close