Uncategorized

Layaabka Dunida.. Gabar Yar oo Ka Soo Dhacday Dabaq 12-biyaano Ah oo Weli Nool! (Muuqaal)

Jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay dhacdo gabar yar oo 13-jir ah oo ka soo dhacday dabaqa 12aad, kana badbaadday oo isbitaalka hadda lagu dabiibayo.

Jariidadu waxey sheegtay in Hetal Saroli, oo 13-jir ah ay ka soo dhacday dabaqa 12aad, waxeyna ku kordhacday saqaf macdan ka sameysan goob gawaadhida la dhigto, kadib dhanka hoose ayey u sii hoobatay, dadkii wadada marayay ayaa dhinaceeda u cararay si ay u hubiyaan iney nooshahay iyo in kale.

Jariidada waxey faafisay muuqaal sida uu u burburay saqafkii ay kusoo dul dhacday, gabadhan yar ayaa dariishadda gurigooda joogtay si ay ula sheekaysato qaar ka mid ah saaxibadeeda iskuulka, inta aaney simbiririxan ka hor, hadda dhakhaatiirtu waxey sheegayaan in xaaladeeda caafimaad ay xasilloon tahay.

Gabadhan yar oo u dhalatay dalka India ayaa daawo joogto ah lagu wadaa, halka la doonayo in qalliinno kala duwan lagu fuliyo maalmo gudahood, iyagoo carrabka ku adkeeyey in gabadhan xaalkeedu uu yahay mid mucjiso ah, waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, gacmaha oo dhowr meel ka jabay, dhaawacyo dhanka caloosha iyo madaxa ah, halka aan wax dhibaato ah soo gaarin xubnaha muhiimka ah ee jirkeeda, sida; maskaxda, wadnaha, kalyaha iyo beerka oo dhammaan ay si dabiici ah u shaqeynay

Goobjoog Edu

Related Articles

Close