arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

Cuntada Ayuu Iska Joojiyay Muddo 382 cisho ah.. Sheekada Dhabta ah ee Soonkii Ugu Dheeraa Taariikhda (Muuqaal)

Inuu qofku soomo sanad iyo wax ka badan waxey u muuqataa arrin khiyaali ah oo aan la rumeysan karin, laakiin joornaal caafimaad oo caan ah ayaa soo bandhigay caddeyn cilmi ah soonkii raashinka laga soomo sanad iyo wax ka badan, waxaa soomay nin Scotland u dhashay , waxeyna ahayd sanadkii 1965-tii.

Angus Barbieri oo xilligaa 27 jir ahaa ayaa muddo 382 maalmood ah soomanaa, waxaa u suurtashay in miisaankiisa oo ahaa 206 Kiiloogaraam uu ka dhigo 81 kiiloogaraam, laakiin dhakhaatiir ayaa xaaladiisa caafimaad la socotay oo kolba baaraysay caafimaadkiisa.

Barbi waxa uu lumiyay 125 kiiloogaraam oo culeyska jirkiisa ah, isagoo sidaa ku dhigay recordka soonka ugu dheer ee uu qofi soomo, waxaana uu galay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness world record sanadkii 1971, miisaankiisu muddo 5 sano ah isma aanuu bedelin.

Daraasad uu faafiyay joornaalka caafimaadka ee waxbarashada sare Higher studes Magazine, dabacaaddii sanadkii 1973, ayaa lagu faafiyay qisada dhammeystiran nin buurni daran la dhibaatoonaya oo lagu tilmaamay qiso aan la rumeysan karin oo aad u layaab badan.

Sida ay sheegeen dhakhaatiirta kulliyada caafimaadka ee jaamacadda Dundee ee Scotland, oo ahaa dhakhaatiirtii sida gaarka ah ula socday xaaladda Barbi, ayaa sheegay in uu qaadan jiray Food Supplements cunta dhammeystira ah oo leh Potasium, Sodium iyo khamiir hab kiniini ah u sameysan.

Barbi mudadaas wax raashin adke ah ma aanuu cunin, waxaanuu ku noolaa kiniiniyo Food Supplements iyo duxda jiirkiisa ee gubaneysay mudada sanadka ah iyo 17 maalmood.

Barbi si joogto ah ayuu isbitaalka u booqanayay, si uu caafimaadkiisa u ilaashado, si joogta ah ayaa loo baarayay xaaladda dhiigiisa iyo sonkorta jirka, halka sidoo kale kaadidiisa la baarayay.

Su’aasha is weydiinta leh ayaa ah sidee xaaladdan oo kale ay ku dhici kartaa? Sanadkii 2012, ayaa caalimad Autralia u dhalatay oo la yiraahdo Karal Karosilniik ayaa fasiraad ka bixisay xaaladda Barbi maqaal dheer oo ay xaaladdiisa ka qortay.

Waxey tiri: “Baruurta jirka ee Fat molecules-ka waxey ka kooban tahay  maaddooyin kiimikeed oo kala duwan: tan koowaad waxaa la yiraahdaa Jilisariin, taas oo ay suurtagal tahay in loo bedeli karo guluukoos, tan labaad waa Fatty acids oo loo bedeli karo maadooyin kiimikeed oo loo yaqaanno Ketone.”

Waxey caddaysay in jirka aadanaha oo maskaxdu ay ku jirto ay cunto u noqon karto Guluukoosta iyo Ketone-ka illaa ay baruurtu ka dhammaato, waana tan dhacday xaaladda Barbi oo la dhibaatoonayay baruur saa’id ah oo jirkiisa si xad dhaaf ah u kortay.

Barbi cuntadii ugu horreysay ee uu afka geliyo markii uu soonka furay  waxey ahayd ukun la kariyay, jab rooti ah iyo saliid, saxafiyiinta waxa uu u sheegay xilligaa: “Waxaan dareemayaa inaan aad u dhargay”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close