arrimaha bulshadaWararka

Gabar Yar oo Gacmo La’aan Ah oo Ku Guuleysatay Tartan Farqurxin Ah!(Muuqaal)

Qoraalka gacanta xilliyadii dambe dib u dhac badan ayaa ku jiray, maadama ay si weyn dunida ugu faafeen qalab teknoloojiyad ah oo casri ah oo si sahlan wax loogu qoran karo, sida; mobilellada iyo qalabka kale ee keyboardka wax lagu qorto leh, arrintan oo keentay iney dowladaha qaarkood isku dayaan in far quraalka nooleeyeen oo qurxinteeda ay tartamo ka furaan, si aan loo illoobin oo aaney u baabi’in.

Hadaba, tartanka Zaner-Bloser ee waddaniga ah oo dhawaan la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Saarah Hinsili oo ah gabar fasalka saddexaad dhigata magaalada Frederick  gudaha gobolka Maryland ee dalka Mareykanka.

Arrinta layaabka leh ee guusha Saara ay gaartay, ayaa ah in gabadhan 10-jirka ah ay dhalatay iyadoo gacmo la’aan ah waa sida ay sheegtay jariidada “Times” ee dalka Mareyknaka ka soo baxda.

Saara marka ay wax qorayso gumadka ayey wax ku qortaa, arrintaanna waxaa ku tababaray macallimiinteeda oo ku garab siisyey iyo dadaalkeeda oo ay ku gaartay iney sidaa quruxda badan ay qoraalka u dhigto.

Intii uu tartanku socday ayaa Saara waxey aad u soo jiidatay guddigii tartanka, arrintaas oo keentay iney siiyaan koobka Nicholas Maxim award oo ah abaalmarinta qeybta ardayga naafadah ah u gaarka ah.

Saara iyadoo ka warameysa guusha ay gaartay ayaa waxey tiri: “Haddii aad bixisaan Dadaalkiinna ugu xooggan, waxwalba oo aad doontaan waad gaareysaan.”, iydoo markaa dooneysay in ciyaalka filkiida ah ay dhiirrigeliso, laakiin waxey bixsay talo cid kastaa aaney ka maarmeyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close