arrimaha bulshadaWacyigelin

5 Astaamood oo Ay Ka Siman Yihiin Dadka Cabqariyadda Leh ee Aadka u Caqliga Badan (Muuqaal)

Cilmibaarisyo badan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in garaadka aadka u sarreeya ee ay dad qaar ay leeyihiin lagu ogaan karo howlgudashadooda shaqada.

Shirkadda  Talent Smart ayaa baartay garaadka caadifadeed ee dad ka badan Hal-milyan oo qof si ay u ogaato astaamaha u gaarka ah dadka caqliga badan, waxeyna ogaatay in 58% sababaha guusha laga gaaray shaqooyinka dhammaan ay la xiriirto cabqariyad qofka, waa sida ay daabacday jariidada caanka ah ee Forbes.

Waxaa la ogaaday in dadka garaadkooda caadifadeed ee  “EQ” uu sarreeyo ay qataan lacag ka badan 29000 oo dalar sanadkii, iyadoo EQ uu yahay in dareenku uu qofku hal shaqo xoogga saarayo si natiijo wax ku ool ah looga gaaro.

Warbixintan ayaa lagu sheegay iney jiraan astaamo dadka garaadkoodu sarreeyo ay ka siman yihiin kagana duwan yihiin dadka kale, waxaa ugu horreeyo:

1- Dadka Cabqariyadda leh ma raadiyaan iney dadka kale is jeclaysiiyaan

Waxey og yihiin in dadka qaar ay ka heli doonaan, kuwo kalena ay nici doonaan, arrintu kama dhigna in dadka jecel aaney kala jecleyn, laakiin waxaa loola jeedaa in arrintaasi aaney ka horistaageyn horumarkooda, jeclow ama necbow .

2- Dadka xukun iskagama ridaan

Dadka caqliga badan waxey u furfuran yihiin dadka oo dhan, arrintaas oo ka dhigaysa in dadka kale si kalgacayl leh ula dhaqmaan, qofka cabqariyadda leh ee aadka u caqliga badan ma jecla iney la sheekaystaan qof ra’yigiisa ku dhagan oo aan dooneyn inuu wax ka maqlo.

3- Wadadooda gaarka ah ayey leeyihiin

Dadka caqliga badan farxadooda iyo murugadooda kuma xirna ra’yiga ay dadka kale ka qabaan, waxey og yihiin cidda ay yihiin, waxaaney og yihiin in waxaaney ahayn aaney cidina ka dhigi karin.

4- Dadka oo dhan ayey ixtiraamaan

Dadka cabqariyadda leh waa dad edeb badan qof kasta oo bulshada ka tirsan agtooda qiimo ayuu ka leeyahay, waxey aaminsan yihiin in cid ay ka wanaagsan yihiin aaney jirin.

5- Waaa deeqsiyaal

Gacantoodu waxey u furan tahay dadka ay yaqaanaan iyo kuwa aaney aqoon labadaba, waxeyna aaminsan yihiin in guusha asxaabtoodu ay guushooda tahay, arrintaas oo ka dhigan inaaney cidna ka masayrin.

Goobjoog Edu

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close