arrimaha bulshadaWararka

Booliska Brazil oo Qabtay Shimbirka Ka Qeybqaadanayey Tahriibinta Mukhaadaraadka (Muuqaal)

Dhacdo layaab badan oo naadir ah, boolis Brazil ayaa qabtay shimbir Baqbaqaaqa ee hadla, xilli ay ku gudo jireen howlgal ay kula dagaalamayeen mukhaadaraadka Waqooyiga waddankaasi.

Sida warbaahinta maxalliga ah ay sheegeen, shimbirkan ayaa lagu tababaray inuu baraarujiyo shaqaalaha xarun makhaadaraad oo ku taalla gobolka Biyaawi, mar kasta oo ay boolisku is yiraahdaan gaad shimbirka ayaa hurdada ka toosiya oo qeyladiisa ay ku baraarugaan.

Jariidada Washington Post ayaa ka soo xigatay tefeshinka “R7”  ee dalka Brazil in shimbirkani uu qaylo bilaabo marka uu dareemo in boolisku ay u soo dhawaadeen dhismaha ku yaalla meel kayn ah oo ay gacansata mukhaadaraadku ku dhuumaaleystaan.

Boolisku wey diideen iney dhacdadan ay shimbirka ku qabteen ay faahfaahin ka bixiyaan, laakiin warbixinnadu waxey sheegeen in dhacdadani ay ka careysiisay dadka xuquuqda xaywaanka u ol’oleeya oo isku dayay iney shimbirka ka fara maroojiyaan booliska.

Website-ka Guluub News ayaa sheegay in booliska ay sii daayeen shimbirka oo la geeyay goob beer ah oo xawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taalla gudaha Brazil, shimbirkan ayaa loo tababarayaa habka uu u duuli lahaa, nolol dabiici ahna uu ugu noolaan lahaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close