arrimaha bulshadaWararka

Geeri Naxdin Badan.. Nin Dharka Xayaysiiya oo Sakaraadkii uu Qabtay Isagoo Dulsaaran Masraxa Bandhig Ka Socday Magaalada São Paulo (Muuqaal)

Nin dharka xayaysiisa oo ka qeybgalaya isbuuca modalka oo ka dhacay magaalada São Paulo ee dalka Brazil ayaa geeriyooday isagoo masraxa saaran dadkuna ay daawanayaan bandhiggiisa, wuu miyri daboolmay oo waxa uu ka dhacay dhulka inta aanuu nolosha faarujin ka hor.

Isbuuca modalka São Paulo oo soo bilowday 22 April uu soo gabagaboobay Sabtidii, waxa uu ka mid yahay bandhigyada dharka ugu muhiimsan ee Latin America ka qabsooma.

Wakaaladda Associated Press ayaa baahisay bayaan ay soo saareen qabanqaabiyayaasha bandhigga oo yiri: “Maamulka waxa uu ogaaday inuu dhintay modalistaha Taalis Sooriis oo caafimaad darro ay soo waajahday intii lagu gudo jiray bandhigga Marka Oksaa ee São Paulo gudaha Brazil ka qabsoomay.

Bayaanku ma aanuu tilmaamin faahfaahin dheeraad ah, halka jariidada maxalliga ah ee maalin laha ah ee la yiraahdo “Folha di São Paulo” ay sheegtay in Sooreys uu ku kufay xarkaha kabihiisa, kadibna uu dhulka ku dhacay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa naaneysta uu dhanka modelka ku lahaa ay ahayd Talis Kota, waxana uu ahaa (26 jir), waxa uu miyir daboolmay sabtidii, xilli uu isku diyaarinayey inuu ka baxo masrixii uu bandhiggu ka socday.

Associated Press, ayaa xustay in si dhakhsiyo ah xubnaha gurmadka degdegga ah ay ugu soo gurmadeen, iyadoo  jamaahiirtii u soo daawasha tagtay badhigga ay la yaabanaayeen sida ay wax u socdaan.

Maamulka bandhigga Okaasaa ayaa dhanka Instagram-ka ku soo qoray iney lama filaan ku noqotay geerida modalistaha Sooreys.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close