arrimaha bulshadaCaafimaadka

Masayr Dartii.. God Uu u Qoday Xaaskiisii Hore Ayuu Ku Dhacay Naftiisana Uu Ku Waayi Gaaray (Muuqaal)

Magaalada Boyorto Biinaksoo ee gobolka Sorora ee dalka Maksiko, ayaa waxaa ka dhacay dhacdo uu nin naftiisa ku waayi gaaray, kadib markii uu god ka qotay dhulka hoostiisa si uu ula socdo xaaladda haweenay ay kala tageen.

Sida uu qoray website-ka “bajopalabra.com”, haweenaydan  oo 58 jirka ah ayaa booliska gaarsiisay in ninkeedii hore ee Arnoldo Gomis uu ku dhuumaaleysanayo god uu ka qotay gurigeeda hoostiisa.

Haweenaydan ayaa maqashay cod layaab badan oo ka soo yeeraya dhanka hoose ee dhismiha gurigii ay daganeyd, markaas ayey goosatay iney qof dariskeeda ahaa ay kaashato si loola eego waxa dhacaya, waxeyba arkeen god ka qodan dhismaha hoostiisa.

Godka waxaa ku xayirnaa oo ay dhibaato ku haysatay ninkeedii hore oo 50 jir ah, dhaqaaqa ayaa ku adkaaday, godka gudihiisa ayuu ku sugnaa muddo 24-saacadood ah oo uu kasoo bixi kari waayey.

Shaqaalaha gurmadka degdeg ah ayaa loogu yeerey oo godkii ka soo badbaadiyay, kadib waxaa loo qaaday dhanka isbitaalka maadama uu jirkiisa qalleyl badan uu dareemayey.

Ninkan ayaa boolisku qabteen markii uu isbitaalka ka soo baxay, maadama uu jabiyay go’aan maxkameed oo u diidayey inuu u dhawaado guriga xaaskiisii hore,  oo iska furtay kadib markii ay u adkeysan kari weyday masayrkiisa xad dhaafka ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close