arrimaha bulshadaWararka

Shaqo La’aan Ma Ku Haysaa.. 5-Talo oo Kaa Garabsiineysa Habka Ugu Habboon ee Aad Shaqo Degdeg Ah Ku Heli Karto (Muuqaal)

Dhalinyarada qaar waxaa haysata mushkilad ah inaaney heysan shaqo munaasab ah oo la jaanqaadeysa kartidooda iyo himilooyinkooda gaarka ah, arrintaas oo u keenta iney niyad jab dareemaan, si hadaba mushkiladdaa loola dagaallamo, waxaa waajib ah in talooyinka qaar la raaco, waa sida uu sheegay website-ka “glassdoor”.

Talooyin ku aaddan sidii aad ku heli lahayd shaqo degdeg ah

1- Koorasyo aqoon kororsi ah samee

Dhalinyarada dhawaan soo qalin jabisay waxaa waajib ku ah iney kobciyaan xirfadahooda iyo awoodahooda iyagoo qaadanaya koorasyo farabadan, ha noqoto luqado kale oo dheeraad ah oo aad barato ama takhasusyo kale oo aad aqoontada sii kobciso, si shaqooyin kala duwan aad ugu tartanto.

2- Xadid hadafkaaga shaqo

Dhalinyarada waxaa waajib ku ah iney sii yaqaanaan shaqada ay doonayaan, isla markaana ay sii kobciyaan awoodahooda iyo khibaradaha ku habboon, iney akhriyaan tijaabooyinka dadkii kale ee shaqada codsaday, si aaney ugu dhicin khaladaadkii ay ku dhaceen dadkii ka horreeyay isla markiiba loogu qaato marka ay shaqada codsadaan.

3- Quusta iney la dagaalamaan

Dhalinyarada waxaa waajib ku ah iney ka adkaadaan dareenka quusta ah, oo ay si joogta ah u raadi shaqo, marna ha daalin illaa inta aad ka helayso waxa aad dooneyso.

4- Baro habka loo qoro C.V-ga

Dhalinyarada waxaa waajib ku ah iney bartaan habka ugu habboon ee ay u qori karaan C.V, waddo xirfad badan, habka C.V-ga loo qoro marwalba cusbooneysiin ayaa lagu sameeyaa dunida, ku darso habka ugu habboon ee looga jawabo su’aalaha interview-ga ee lagula yeelanayo shaqada ka hor.

5- Shaqooyinka qaar aqbal

Halkan waxaa lagu talinayaa in shaqooyinka qaara aad iska aqbasho, si ay kuugu noqoto jaranjaro aad ku gaarto shaqada riyadaada mushkilada shaqo la’aantana aad uga adkaato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close