arrimaha bulshadaWararka

8 Arrimood oo Ay Habboon Tahay Inaad Sameyso Inta Aaney Dhalan Bisha “Ramadaan” (Muuqaal)

Waxaa soo dhawaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, waxaa inaga xiga waa saacado oo qura, waxaana noo bilaabaneysa cibadaadii bisha oo bilaha kale ka duwan, Bishan muslimiintu waxey ku gutaan mid ka mid ah tiirarka Islaamka ugu muhiimsan oo ah Soonka.

Bishan waxaa aad loo badiyaa cibaadada, adkaarta, akhrinta Qur’aanka, sidaa darteed; waxaa waajib inagu ah inaan ugu diyaar garowno habka ugu wanaagsan ee suurtaggalka ah.

Hadaba, khubaro daraasad ku sameysay ayaa soo saaray 8 talo oo muhiim ah ay tahay in qofkasta oo doonayay inuu Soomo bishan barakeysan inuu raaco.

1- Ka joogso cabitaannada baraarugga qofka xoojiya

Inta aaney bilshu bilaaban waxaa waajib ah inaad si tartiib tartiib ah iskaga yareyso cabitaannada baraaruga ee qahwada, shaaha iyo cabitaannada fudud ay ka midka yihiin, Maxaa yeelay; maadada kafeyiinka ee ku jirtaa waxey yareysaa xididada dhiigga, qofku marka uu iska joojiyo xididadii sidii hore ayey dib ugu laabanayaan, arrinaas oo kuu keenaysa inaad madax xanuun daran dareento.

2- Badso cabitaanka biyaha

Arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad soonka ugu diyaar garowdo waa inaad badsato cabitaanka isku day inaad kordhiso biyaha aad maalintii cabayso, jirkaagu wuu la qabsan doonaan, sidaa darteed, marka bisha la gaaro biyo badan ayaa sidoo kale cabbi kartaa, laakiin waa inta u dhaxeysa afuka iyo suxuurta, maadaama ay arrintaasi kaa ilaalineyso in jirkaagu uu qalleyl dareemo, qaleylkaas oo keena daal iyo caajis.

3- Soo iibso raashin kasta oo aad u baahan tahay bisha ka hor

Waxaa la og yahay in tukaameysigu u baahan yahay waqti dheer iyo saacado farabadan, haddii adigoo sooman aad soo aadeegato waxaad dareemaysaa daal farabadan, halka gaajada qofka haysaa xilliga Soonka ay ku khasabto inuu raashin badan iibiyo, isagoo markaa aaminsan inaanuu waxba ka reebi doonin, arrintaas oo keenaysa in kharash badan oo aan daruuri ahayn aad ku bixiso suuqa, sidaa darteed; halkan waxaa lagu talinayaa in cunnada loo baahan yahay bisha ka hor la soo adeegto, raashinka xumaanayana iyo khudaartana in si isbuucle ah loosoo iibsado.

4- Gurigaaga si fiican u nadiifi

Bisha Ramaad waqtiga ayaa qofka ku yaraanaya iyo daal uu dareemayo ayaa u diidaya inuu gurigiisa si wanaagsan uga shaqeeyo, sidaa darteed; waxaa habboon inaad guriga si wagaansan u nadiifiso inta aaney oo aad boorka ka jafto daahyada kuraasta, roogaga oo si wanaagsan loo nafiidiyo.

5- Qaraabadaada soo booqo

Alle S.W wuu inagu adkeeyay inaan adkeynno xiriirka qaraabada, sidaa darteed; ma habboona in bishu ay kuu soo gasho iyadoo uu muran idinka dhaxeeyo adiga iyo qof ka mid ah qaraabadaada dhow, isku day inaad is-maandhaafka xalliso oo aad ku booqato gurigiisa, xitaa haddii uu isagu kugu gafay, ha illoobin in qofka saamaxaadda badan uu yahay qof deeqsi ah, waxaad ogaataa in jacaylka Eebbe aad heli doonto, Soonkana uu kuu noqon doono mid aad ka hesho ajar labo laab ah.

6- Dhakhtar la tasho

Haddii aad la dhibaatooneyso cudurrada waqtiga adheer sida; sonkorowga, wadna xanuun, cudurada dhiigga iyo kalya xanuun aad qabto la tasho dhakharkaaga sida ugu habboon ee aad ku soomi karto, talooyinka uu ku siiyo inta aad sooman tahay qaado oo ku dhaqan, si aadan dhibaato hor leh naftaada ugu soo jiidin.

7- Garab istaag dadka u baahan

Bisha Ramaad waa bisha aan ku garanno dhibaatada dadka danyarta ah haysata, waxaa jira qoysas badan oo aan haysan waxey ku afuraan, garab istaag kolba tamartaadu inta ay le’eg tahay, haddii aad tahay qof dhanka baraha bulshada ku firfircoon samee ol’ole taburaacaad ah si dad badan aad ugu afurisaan bisha barakeysan, halkaas ay uga dhalato in bushadu ay is kafaalo qaado oo qofka tamarta daran la xasuusto.

8- Ku Dadaal inaad Yogaha ciyaarto

Sportska Yogaha waxa uu leeyahay faa’iido farabadan oo caafimaad, waxa uu u roon yahay wareegga dhiigga, waxaanuu xoojiyaa difaaca jirka, waxa uu kaa khafiifiyaa welwelka iyo warbahaarka, xaaladaada nafeedna wuu hagaajiyaa, sidaa darteed; waxaa daruuri ah inaad joogtayso ka hor bisha si aad hadhow ula qabsato una sii waddo, waxa uu u wanaagsan yahay daalka iyo isbedelka dareenka qofka oo aad u badan bisha Ramadaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close