CaafimaadkaWararka

Khubaro Ka Digaya Khatarta Ay Leedahay In La Dhaqo Hilibka Digaagga Inta Aan La Karin Ka Hor (Muuqaal)

Khubarada caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in la dhaqo hilibka digaagga inta aan la karin ka hor, haddii la dhaqo waxaa ka dhalan kara ayey yiraahdeen mashaakil caafimaad oo khatarteeda leh.

Website-ka The Mirror ayaa sheegay in marka la dhaqo uu jeermisku ku faafayo alaabta madbakha ama kushiinka ee kale, marka jeermiskaasi uu galo jirka aadanaha waxa uu u keenayaa sumow ayey yiraahdeen khubaradaasi.

Waxey dadka ku baraarujiyeen in inta badan hilibka dooradu uu la kulmo bakteeriyada sida; Camillobacteria, Salmonella iyo Clostridium Perfringens oo hilibka dooradu u nugul yahay.

Intaa ku darso khubaradani waxey ku talinayaan in hilibka doorada oo baco ku sajilay ay habboon tahay in lagu xafido tallaagadda barafka, marka la jarjarana loo adeegsado looxa hilibka lagu googooyo ee loogu talogalay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close