arrimaha bulshadaWararka

Aadane Jir “Maroodi” Leh.. Sheekooyinka Dad Cudur Naadir ah Uu Haleelay (Sawirro)

Waxaa la helay qabriga “Joseph Merrick” oo loo yaqaannay ninkii maroodiga, xilli geeridiisa laga joogo 130 sano, Joseph waxaa ku dhacay cudur genitic naadir ah, kaas oo madaxiisa iyo gacmihiisa ka dhigay kuwo aad u buuran.

Ninka Maroodiga oo ku dhashay magaalada Leciter City sanadkii 1862, isagoo ka dhalan-rogan inta badan wejigiisa iyo nudayaasha jirkiisa, dhumucda madaxiisu waxa uu gaaray 91-cm(dhumucda madaxa qodka caadiga ah waa 57-cm), dhumucda gacantiisa midig waxey gaaraysay 30-cm, taas oo ka dhigan mid gacantiisa bidix labo jeer ka weyn, halka farahiisa mid ka mid ah dhumucdeedu ay gaareysay 13-cm.

wejiga Joseph ee dhalan rogan waxa uu kaalin weyn ka ciyaaray shaqadiisa, waxa uu ka qeybgeli jiray bandhigyada madadaalada, bandhigyada qaar waxa uu ku matalay magaca “Ninkii Maroodiga”.

Dhammaadkii noloshiisa waxaa la geeyay isbitaalka London oo ku yaallay galbeedka caasimadda, dhakhaatiirtii waxey aad ula yaabeen inuu ahaa qof aad u caqli iyo xasaasiyad badan.

Markii uu geeriyooday sanadkii 1890, isagoo (27 jir ah), qolfoofkiisii waxaa  lagu ilaaliyey isbitaalka, waa sida ay sheegtay shabakadda BBC qeybta luqadda Ingiriiska ku hadasha.

Joseph waxa uu ku neef qabatoobay culeyska madaxiisa xilli uu doonayay inuu is kala bixiyo oo sidaas ayuu ku dhintay.

Haweenayda qoraaga ee Jo Vigor-Mungovin, oo wax ka qortay isla markaana diiwaangelisay nolosha Joseph, ayaa sheegtay iney haraadiga jirka Merrick, ay ka heshay qubuuraha magaalada London.

Sidaas oo kale, waxaa dunida lagu arkay shaqsiyaad uu ku dhacay cudur gentic ah ee naadir ka ah, waxaana ka mid ahayd, haweenay reer Ingiriis ah oo lugaheedu ay u koreen si aan la rumeysan karin.

Mandy Sellars, waxey ku dhalatay xaalad caafimaad oo naadir ah, labadeeda lugood waxey shan laab ka weyn yihiin lugaha caadiga ah ee dabiiciga ah, dhakhaatiirtu waxey ogaadeen in Mandy ay la dhibaatooneysay cudurkii hayey ninka maroodiga oo kale, waxey ku bilaabeen daawooyin oo lugaheeda ay ka yareeyeen tobonaan kiiloogaraam, arrintaas oo dhaqaaqeeda sahashay.

Iyadoo ay jirto in muuqaalkeedu uu yahay mid aan caadi ahayn, ayaa ahdana ay Mandy ku nooshahay hab dabiici ah, hadda waxey barataan cilmi-nafsiga oo ay jaamacadda ay ka barato, waxey leedahay saaxiibbo farabadan, xitaa sida gaariga loo kaxeeyo wey baratay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close