Uncategorized

Ukunta oo Si Jooto Ah Loo Cuno Waxey Kaa Ilaalisaa Indho La’aanta

Marka aan eegno Ukunta waxaa ka badan maaddooyina  tetraterpenoid, luteus iyo zeaxanthin, waxey jirka ka ilaaliyaan Age-Related Macular Degeneration oo la aaminsan yahay cudurka ugu badan ee dadka waayeelka ah indha la’aanta u keena.

Dhakhaatiir Australian ah oo la socday caafimaadka dad kooxo u qeybsanaa oo gaaraya 3,654 shaqsi oo xaaladooda caafimaad lala socday muddo 15-sano ah, ayaa lagu ogaaday in dadka cuna ukunta 2-4 xabbo isbuucii uu hoos u dhico khatar cudurka Macular 49%,  marka loo barbardhigo dadka hal-xabbo oo ukun ah cuna isbuucii.

Daraasaddan waxaa ka muuqda inuu jiro xiriir ka dhaxeeya ukunta oo la cuno iyo Macular Degenerationka indha la’aanta laga qaado, laakiin waxaan weli kala caddeyn sababaha ay iskugu xiran yihiin iyo natiijada waxa ka dhaxeeya, laakiin dhakhaatiirtu muddo dheer waxey ka hadlayeen in ukunta tahay maaddo dabiici ah oo ay ku badan yihiin maaddooyinka tetraterpenoid, luteus iyo zeaxanthin.

Maddooyinka aan soo sheegnay ee ukunta laga helo dib uma dhigaan Macular Degenerationka indhao la’aanta laga qaado u qura, ee laakiin si kama dambeys ah ayey daawo ugu yihiin, cudurkan Age-Related Macular Degeneration, waa kan ugu badan ee dadka da’da ah u keena indho la’aanta dhamaaan daafaha kala duwan ee dunida.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close