CaafimaadkaWararka

Khaladaadka Cunto ee Ugu Badan ee Ay Ku Dhacaan Dadka Sooman Xilliyada Afurka iyo Suxuurta

Dad badan oo sooman ayaa waxey dareemaan dhereg xooggan bisha barakeysan ee Ramadaan marka ay isku badiyaan raashinka xilliga afurka, arrintu ma khuseyso oo qura nooca raashinka, waa khaladaad ay ka siman yihiin oo ay ku dhacaan dad badan inta lagu guda jiro bishan barakeysan.

Sida uu qoray website-ka “brilio”, waxaa jira caadooyin ay dad badan oo sooman ay leeyihiin oo u keenta iney si xad dhaaf ah u dhargaan.

Khaladaadka qofka Sooman ee xilliga afurka

  • Isticmaalka Raashinka duxdu ay ku badan tahay

Marka afurka lagu bilaabo raashinka ay duxdu ku badan tahay iyo raashinka shiilan ee saanbuusku ka mid yahay, waa arrin khaladan, waxaa muhiim ah in lagu bilowdo in lagu bilowdo raashinka dheefshiidka u sahlan; sida; timirta, waxaa ku badan sonkor uu jirku si sahlan ku nuugi karo oo howl adag aan u baahneyn si uu jirku u qaato.

-In raashin farabadan la cuno

Halkan waxaa habboon in la qaato raashin fudud oo xilliyo kala dhaadheer la qaadanayo, waqti ka dhigo xilliga afurka, waqtina saaladda taraawiixda kadib, iyo waqtiga suxuurta oo muhiim ah.

-Macmacaanka oo la cuno.

In si xoog ah loo qaato macmacaanka waxa uu keenaa in jirkaaaga ay baruur badani karto bisha Ramaadaan oo aad cayisho.

-In sports-ka la iska dhaafo

Daalka tirada badan ayaa dadka qaar u keena iney ka caajisaan sports-ka inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, sportska oo la ciyaaro waxaa laga helaa fudayd, firfircooni, dareen wanaagsan iyo nolol caafimaad.

Khladaadka qofka sooman uu ku dhaco xilliga suxuurta

  • Biyo badan oo la cabbo.
  • In la badsado raashinka cusbadu ku badan tahay.
  • Raashinka ay duxdu ku badan tahay iyo sonkorta.
  • Suxuurta oo aan loo soo kicin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close