arrimaha bulshadaWararka

Aadaankii Ugu Qadiimsanaa ee Laga Duubo “Kacbada Sharafta Leh” 1884 oo Dhawaan Laga Helay Jaamcaddan Reer Galbeedka Ah (Muuqaal)

Mu’asasada Daarat al-Malik Cabdicasiis ayaa waxey soo bandhigtay aadaankii ugu qadiimsanaa ee laga duubo  masjidka xurmeysan ee Kacbada sharafta badan, waxey ku beegneyd waqti laga joogo 138-sano.

Mu’asasada Daarat al-Malik Cabdicasiis, ayaa boggeeda “Twitterka” soo dhigtay in codkani yahay kii ugu qadiimsanaa ee laga duubo aadaanka Masaajidka xurmada leh waxeyna ku beegneyd sanadkii 1302 Hijriga.

Mu’asasadani waxey tilmaantay in codkan laga helay maktabadda jaamacadda Leiden University Library  ee dalka Holland, aadaankan ayaa la duubay inta aaney soo bixin makarafoonnada codka baahiya ee masaajidda hadda looga aadaamo.

Aadaankan ayaa waxaa duubay Dr. Christiaan Snouk Hurgronje oo ka mid ahaa ragga diinta islaamka bartay ee mustashriqiinta loo yaqaanno, xilli uu booqanayey magaalada Makka sanadkii 1302-hijriga oo waafaqsaneyd 1884-miilaadiga, isagoo adeegsana dhululubada shumaca ee uu soo ikhtiraacay Thomas Edison waqti taariikhdaa aan ka fogeyn, jaamacadda Leiden ee dalka Holland weli cajaladdaasi wey taalla oo illaa iyo hadda waa lagu ilaaliyaa, dhaxalkaasi  waxa uu u noqoday mid soo jiita dad badan oo diinta islaamka daraaseeya oo taariikhi ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close