arrimaha bulshadaWararka

Bisaddii “Weji Macbuuska” ee Ugu Caansaneyd Internetka oo Geeriyootay

Waxaa geeriyootay bisaddii ugu caansaneyd dhanka baraha bulshada, taas oo dareenka wejigeeda leh laga dheehday calaamadda (memes) ee qofku uu saaro waxa aanuu ka helin ama uu ka xanaaqo dareenkiisana uu ku cabbiro.

Bisaddan oo ahayd 7-jir magacaheeda dhabta ah uu yahay “Tradar Sauce” marka la soo gaabiyana “Tard”, ayaa waxey ka mid ahayd xayawaannada saameynta ugu xooggan ku leh Internetka, waxey caannimadeeda ku heshay eegmadeeda murugada iyo weji cambuusnimadeeda oo maaaliiyin qof marka ay arkaan ka qosliya aadna uga yaabiya.

Bisaddan oo ku can baxday magaca (GRUMPY Cat) ayaa ku dhimatay dhabta Tabatha oo ahayd haweenaydii iska lahayd subaxnimadii Talaadadii hore, iyadoo caabuq kaadi haystay uga dhacay oo laga daaweyn kari waayey u geeriyootay.

Tabatha ayaa warka dhimashada bisadda la wadaagtay taageerayaasheedii kala socday barta Instagram-ka oo gaarayey 11-milayn oo qof, waxey ku tiri: “Maalmaha qaar xilliyada kale wey ka murugo badan yihiin, Grumpy xanuun uga dhacay dhanka kaadi haystay ayey u geeriyootay iyadoo ay dhakhaatiirtu waxba ka qaban kari waayeen dadaal kasta oo ay ku badbaadin karaan nafteeda ay u galeen.

Haweenaydani waxey sheegtay in bisadeedani ay maaliyiin qof oo ku dhaqan daafaha kala duwan ee dunida ay ka qoslin jirtay isla markaana aan xasuusteedu dad badan si sahlan aaney uga go’i doonin quluubta dad badan oo taageerayaasheeda ahaa.

Bisaddan ayaa dhalatay April 4, 2012, caanimadeedu waxa uu bilowday kadib markii wiil la dhashay Tabatha uu sawirka GRUMPY uu dhigay website-ka “Reddit” bishii September 2012, halkaas oo dad badani ay ku barteen.

View this post on Instagram

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close