arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasiirrada Waxbarashada iyo Amniga Oo Jowhar Gaaray

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa gaara Wasiirro ka tirsan xukuumadda Federalka Soomaliya, kadib markii Hirshabelle ay qaadatay go’aan ah in imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare ay maamulkoodu si gooni ah u qaadanayaa.

Wafdiga Wasiirrada ayaa kala ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale & Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya C/laahi Goodax Barre.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa xubnaha Wafdigaan ku soo dhaweeyay Wasiirro & Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle, kuwaasi oo madaxdaan u galbiyey madaxtooyada Hirshabeelle.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn ujeedada rasmiga ah ee Wafdigaan Wasiirrada ah ay u tageen Magaalada Jowhar, ayaa haddana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ujeedka uu yahay sidii loo xalin lahaa go’aankii Hirshabelle ay ku gaareen inay qaadanayaan Imtixaanka.

Wasiirada Dowladda ka socda ee tagay Jowhar ayaa la filayaa iney kulan la qaataan madaxda Maamulka Hirshabelle si loo xalliyo tabashada Maamulka ee dhanka Imtixaanaadka.

Hirshabelle ayaa deegannada Maamulkeeda ka soo saaray Kormeerayaashii Wasaaradda Waxbarashada ka socday ee deegannada Maamulkaasi ku sugnaa.

Goobjoog.com

Related Articles

Close