arrimaha bulshadaWaxbarashada

Ey Badbaadiyey Nolosha Ilma Yar oo Isagoo Nool La Aasay.. Banaankana Soo Dhigay Dambiga “Hooyadani” Ay Gashay (Sawirro)

Ey ayaa waxa uu ku guuleystay inuu badbaadiyo ilma yar oo dhawaan dhashay oo hooyadii oo kuray yar ahayd ay aastay isagoo nool, dhacdo saameyn badan yeelatay oo ka dhacday dalka Thailand.

Sida uu sheegay websiteka “News”, Eygan ayaa ninkii iska lahaa ku baraarujiyey in ilma yar uu ciidda ku hoos aasan yahay, eygu wuu qeylinayey dhulkana uu faagayey, markii uu eygii dhulka wax yar qoday ayaa waxaa soo baxay lug yar oo bani’aadam, waa ilmihii yaraa ee la aasay lugtiisii.

Markii ilmaha yar laga soo saaray xabaashii, ayaa naas-nuuggii yaraa loola cararay isbitaalka isagoo weli nool, waxa uu gaarayey miisaankiisu 2.3 Kg, markii isbitaalka la geeyay dhakhaatiirtu waxey u sameeyeen gurmadkii uu u baahnaa waxeyna ku dhawaaqeen in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay.

Boolisku waxey gacanta ku dhigeen hooyadii dhashay, waxeyna ku eedaysan tahay iney ilmaha yar garabkiisa ka baxday oo ay isku dayday weliba iney disho.

Iyadoo ay jirto in gabadhan yar ay ka yar tahay da’dii sharciga oo weli ay caruur tahay, ayaa hadana waxaa booliska sharcigu u ogol yahay iney su’aalo weydiiyaan, laakiin waxaa lagama maarmaan ah iney goobta joogaan shaqaalaha barbaarinta ubadka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close