CaafimaadkaWararka

Maxaa Ku Dhacaya Jirkaaga Markaad Sooman Tahay 15-saacadood Maalintii .. 30-ka Ramadaanka

Malaayiin muslimiin ah oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida ayaa sanad walba waxey ka soomaan 30-cisho, waa bisha Ramadaane, Sanadkan waxey ku soo beegan tahay iyadoo dhulka qeybtiisa waqooyi uu ku jiro xilli xagaa ah oo maalintii ay dheer tahay, habeenkiina uu yar yahay, kuleylkuna uu daran yahay.

Saacadaha Soonka waa lagu kala duwan yahay dunida, celceliska saacadaha Soonka ee wadamada Carabta ee aan ka tirsan nahay waxey gaareysaa 15-saacadood.

Website-ka “BBC Mundo” ee dalka Spain, ayaa  waxa uu qoray isbedellada ku dhacaya jirka aadanaha mudada 30-cisho ee dadka maalintii ka sooma 15-ka saacadood.

Sida uu website-kani sheegay saddexda cisho ee ugu horreysa ayaa ugu adag, cilmi ahaan jirku marxalad soon ma galo illaa marka 8 saacadood laga joogo xilligii aad cuntay cuntadii kuugu dambeysay, waana xilliga uu dheefshiidku dhammeystiro inuu cuntada ku ridqo oo shaqadeeda uu ku dhammeystiro.

Kadib jirku waxa uu u gudbayaa inuu isticmaalo guluukoosta ku keydsan beerka iyo xubnaha kala duwan si jirka uu u helo tamartii uu ku dhaqaaqi lahaa ee uu u baahnaa, markii keydkaasina dhammaado, waxa uu jirku abbaarayaa baruurta oo noqoneysa halka uu tamarta ka dhaliyo, iyadoo jirku uu bilaabayo inuu baruurta gubo arrintaas oo dadka doonaya u fududaynaysa iney miisaankooda dhimaan.

Soonka maalinta 3aad ilaa 7aad, jirku wuxuu caadeysanayaa inuu baruurta burburiyo oo uu u bedelo sonkor dhiigga, halkan waxaa lagu talinayaa in dareeraha uu jirku lumiyo la soo ceshado habeenkii oo cabitaan farabadan la cabbo si jirka qalleyl looga ilaaliyo, si aadan hadhow madax xanuun iyo wareertoona aadan u dareemin.

Soonku marxaddiisa saddexaad ayuu galayaa oo ka bilaabaneysa maalinta 8aad ilaa laga gaaro maalinta 15aad, halkaas oo xaaladda maskaxeed ee dadka Sooman ay soo hagaageyso, maadaama uu jirkii la qabsayo si weyn Soonka.

Kadib waxaa bilaabaneysa marxaladda ugu dambeysa maalinta 16aad ilaa soddonka cisho ay ka dhamaadaan, jirku marxaladdan si buuxda ayuu ula qabsadaa soonka oo dhammeystiran, beerka, kalyaha, haragga iyo Colon-kuba waxey bilaabayaan in jirka ay ka saaraan sunta gudihiisa ku jirta, halkaas oo faa’iidooyin farabadan oo caafimaad laga helayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close