arrimaha bulshadaWararka

81-sano Ayuu Xaasle Ahaa… Lamaanihii Ugu Waqtiga Dheeraa oo Kala Dhantaalmay (Sawirro)

Dalka Japan waxaa ku geeriyooday odaygii ugu guurka dheeraa adduunka,  waxa uu xaasle ahaa muddo 81-sano ah.

Wakaaladda wararka dalka Japan,  ayaa sheegay in Masao Matsumoto oo jiray 108-sano uu u geeriyooday Xanuun dhanka wadnaha kaga dhacay oo noloshiisa salfaday.

Masao waxa uu La noolaa xaaskiisa Miyako oo (101) jir ah, waxey nolol wadaag ahaayeen 81 sano iyo 201 maalmood iyagoon sidaa ku dhigay record-kii ugu waqtigaas dheeraa ee dad is qaba.

Lamaanahan ayaa waxey isku dhaleen 5 gabdhood iyo 13 caruur ah oo ay dhaleen,  waxaa kasii tarmay 24 caruur ah oo ay awoowe iyo ayeeyo labaad u yihiin.

Sanadkii 2018 ayaa loo aqoonsaday iney yihiin lamaanihii ugu guurka dheeraa adduunka waxeyna sidaa ku galeen buuga dhacdooyinka adduunkaa ee Guinness world Record.

Goobjoog Edu


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close