Waxbarashada

Ardayda Soomaaliyeed Oo Markale Maalinta Berri Ah U Dareeri Doona Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiga Sare

Ardayda Soomaaliyeed ee dhameystay dugsiyada Sare ee dalka ayaa maalinta barri waxa ay markale u dareeri doonaan Imtixaanka guud wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dalka ay qaado sanad waliba

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa waxa uu ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed in ay u diyaara garoobaan malinta barri oo isniin ah imtixaanka shahaadiga ah 2018/2019.

“Bari oo ay taariiqda ku beegantahay 27bisha may 2019 waxaa si rasmi ah u bilaaban doona imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 ardayda Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa guul iyo horumar”

Sidoo kale wasiiru dowlaha oo hadalkiisa siiwato ayaa ugu baaqay ardayda inay ilaaliyaan shuruucda Imtixaanka ardaydana ay la shaqeeyaan guddiga kormeerka.

“Ardaydu waa inay dhowraan shuruucda Imtixaanka lana shaqeeyaan guddiga kormeerka waa inardaydu wax ka baxsan Imtixaanka aysan u imaanin waxaana ugu baaqayaa inay ilaashadaan kaarka lagu galayo Imtixaan lana shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo guddiga kormeerka “

Dhanka kale Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ugu xusay in guddiga kormeerka Imtixaanka in ardayda loo fududeeyo inay galaan Imtixaanka maadaama ramadaan lagu jiro

“waxaan ugu rabaa inaan u sheego guddiga kormeerka in ardayda lagu caawiyo loona fududeeyo inay galaan imtixaan wasaaradduna ay garab taagan tahay arday, si ay u dareemaan an la garb joogo ayaguna uga soo baxaan waajib kooda”

waxaa barito loo fariisanayaa guud ahaan dalka marka laga reebo maamulka Puntland Imtixaanka dugsiyada sare kaas oo horay ay u joojisay wasaaradda waxbarashada ka dib markii qishkiisa uu baxay bananka

Goobjoog Edu

Related Articles

Close