Uncategorized

Bilaash Ha u Tuurin… 5 Shay oo Muhiim ah oo Loo Isticmaalo Qolofka Mooska.. Fin Doobka Waa Ka Daawo

Marka aad moos cuneyso waxa koowaad ee maskaxdaada ku soo degdegayaa waa sida aad uga taqaluusi lahayd qolofkiisa, iyadoo ay jirto in qolofka uu leeyahay dheef badan oo barootiin leh, vitamine A, B6, C, Potassium, magnesium, folate iyo maaddooyin kale oo waxyaabo kala duwan loo adeegsan karo intii qashinka lagu tuuri lahaa, waa sida uu sheegay website “Zenhealthmag”.

Waddooyinka loo adeegsado qolofka Mooska

-Fin doobka ayaa lagula dagaallamaa

Qolofka moosku waxa uu kaalin ka qaataa nadiifinta jirka si dabiici ah, gaar ahaan fin doobka, waxaa laga helaa maaddooyin dabiici ah oo nadiifinaya goobta uu finku ka soo baxay.

-Ilkaha ayaa lagu caddeeyaa

Qolofka mooska waxaa lagu nadiifiyaa ilkaha iyadoo ilkaha lagu ruugayo muddo 60 ilbiriqsi ah kadibna biyo ayaad ku nadiifineysaa, arrintaas oo kaa garab siineysa in ilkahaagu kuu caddaado.

-Burooyinka adag ee jirka ka soo baxa oo lagu daweeyo

Qolofka mooska waxaa loo is ticmaalaa in lagula dagaallamo (Warts) jirka ka soo baxa ee adag, waxaa qolofka laga goostaa gobol yar oo waxaa lagu ruugaa goobta uu ka soo baxay.

-Cuncunka ayaa lagu daaweeyaa.

Qofku xilliyada qaar marka uu cayayaan qaniino waxa uu aad u jeclaysaa inuu xoqxoqo goobta laga qaniinay, si cuncunka aad uga taqaluusto gobol qolofka mooska ka mid ah gooso oo ku ruug goobta inaad xoqxoqdo kaaga baahan, muddo 10 daqiiqo ah.

-depression-ka ayaa lagula dagaalamaa

Qeyb ka mid ah qolofka ayaad ku darsaneysaa shaah arrintaas oo kaa garab siineysa in dareemaha uu kuu dago oo welwelka iyo niyad jabka ku haya uu kaa yaraado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close