Uncategorized

Gabadhii uu Jeclaa Ayuu “Mobile” u Keeni Waayey Markaas Ayey Kala Daashay 52 Dhirbaaxo Iyagoo Taagan Meel Waddo Ah oo Dadku Ay Aad u Maraan (Muuqaal)


Gabar Shiineys ah ayaa waxey ku xad gudubtay jacaylkeeda kadib markii ay ka jartay 52-dhirbaaxo isagoo taagan meel waddo ah, sababta oo ah waxa uu u keeni waayey hadiyad mobile smartphone ah maalitii ciidda jacaylka ee dalka Shiinaha oo ku aadaneyd 20 May.

Dadka baraha bulshada ku firfircoon ayaa isla dhex marayey muuqaal laga duubay gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha, muuqaalkan ayaa waxaa ka soo muuqanaya wiilkan dhalinyarada ah oo si daggan ugu adkeysanaya dhibraaxo la isku kala jiidayo oo dhabankiisa ku dhacaysa isagoon naftiisa difaacayn oo aan wax falcelin ah sameynayn, waa sida uu sheegay websiteka India Times.

Waxaa xusid mudan in boolisku ay goobta soo gaareen , kadib markii ay dad badani ku soo ag xoomeen wiilkan dhalinyaradaha iyo gabadha uu jecel yahay, boolisku waxey isku dayeen iney xaaladda dejiyaan, gabadhana ay qabtaan, laakiin waxaa lama filaan ku noqotay iney arkaan in lamaanaheeda ay dhirbaaxada kala daaleysay uu booliskii ka difaacay una sheegay iney iskaga raalli yihiin!.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close