Uncategorized

Dakhli Dheeraad Ah Sameyso.. Macallin 42-kun oo Dolar Ka Sameeya Iibinta Buugaagta La Isticmaalo

Elliott Stoutt oo ku shaqeysa macallinimo ayaa waxaa sanadkii soo gasha 42-kun oo giniga Istarliinka ah oo mushaarkiisa caadiga ah ka baxsan, buugaagta la isticmaalo ayuu ka iibiyaa dhanka internetka.

Elliott oo 26-sano jir ah, ayaa isbuucii waxa uu 10-saacadood ku bixiyaa shaqadiisan buugaag iibinta ah, waxaana macallin luqadda Ingiriiska dhiga oo ka mid ah macallimiinta iskuul sare oo ku yaalla gudaha Ingiriiska.

Maalinta Sabtida ah waxa uu ka soo tukaameystaa ganacsiyada buugaagta la isticmaalo lagu iibiyo, halka buugaagta qaar uu ka iibsado dhanka Internetka, waxaanuu dadka la wadaagaa oo uu u sheegaa halka ugu habboon ee ay lacagaha ka sameyn karaan, dhanka buugaag iibinta.

Elliott waxa uu leeyahay: “Website ayaan buugaagta ka dhex iibinayey muddo labo sanno ah, sababta aan buugaagta u iibinayey waa inaan helo il kale oo uu dakhli iga soo galo.”

Macallinkani waxa uu caddeeyey in fikirka uu ku dhashay kadib markii uu dhageysatay talooyin uu bixiyay gacansadaha reer Mareykan “Gary Feinrichuk” oo intabadan dadka la wadaaga sirta gacansiga talooyinna siiya dadka dhanka internetka, waxa uu sheegay in shaqadiisa uu ku bilaabo 50-gini oo buugaag kala duwan uu ku iibsaday.

Stoutt, waxa uu tilmaamay inuu gacansigiisan cusub bilaabay kadib markii uu si lama filaan ah dhanka Internetka uga arkay muuqaal gacansadaha reer Mareykan ee Gary uga hadlaayo sida qofku uu ku sameysan karo dakhli kale oo shaqadiisa caadiga ah ka baxsan, isla markaana uu u yareeyo saacadaha uu daawado telefishinka.

Macallinkan ayaa yiri: “Waxaan goostay inaad dadka tuso in qofku uu dakhli dheeraad ah shaqeysan karo isagoo shaqadiisa caadiga ah wata, waxaan qisadayda idiinla wadaagayaa si aad ii soo weydiisaan faahfaahinta aad u baahan tihiin marka aad dooneysaa inaad buugaagta ka iibisaan dhanka internetka.”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close