arrimaha bulshadaWararka

Dhacdo Argagax Badan.. Haweeney Daawaneysay Ninkeeda oo Cad Cad Loo Kala Gooynayo (Muuqaal)


Dhacdo argagax badan ayaa ka dhacday xeebaha Mareykanka, waxaa la daawaday muuqaal ilbiriqsiyo uu libaax badeed soo weeraray nin sacbooley ah oo aan haysan wax uu iskaga caabiyo.

Jariidada “Mirror” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in haweeney Mareykan ah ay indhaheeda ku daawadaneysay dhacdo argagax badan Kadib markii ninkeeda Dr Thomas Smiley oo 65 jir ah  oo ay xeeb ku wada damaashaadayeen uu soo weeraray libaax badeed doonayey inuu ugaarsado.

Jariidada ayaa sheegtay in haweenaydan ay argagax ka qaadday iney indhaheeda ku arkeysay ninkeeda oo cad cad loo jarjarayo isla markaana aaney waxba u qaban Karin.

Dhacdadan ayaa ka dhacaday xeebaha California Axaddii May 26, iyadoo jariidadii ay sheegtay in ninkaasi aanuu dhacdadaa ka badbaadin oo uu geeriyooday.

Jariidadu waxey hadalkeeda ku dartay in libaax badeedku uu ka soo weeraray ninkan meel 50-mitir u jirta xeebta, ciidaankii gurmadka xeebaha ayaa u degdegay si ay u badbaadiyaan, wey ka soo saareen biyaha laakiin naf kuma aaney gaarin.

Haweenayda ninkeeda la ugaarsaday  oo la yiraahdo Gale ayaa waxey sheegtay iney markii hore aragtay nin biyaha ku dhex rafanaya oo aaney wax dan ah ka gelin, laakiin markii ay aragtay iney boolisku isku dayayaan iney badbaadiyaan ay ogaatay inuu ninkeeda yahy.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close