arrimaha bulshadaWararka

Marti Qaadka Iiddu Ma Aha Xalwo iyo Buskut oo Qura.. 6 Doorasho oo Kale oo Dadka Dookhyadooda Kala Duwan La Jaanqaadaya(Sawirro)

Iidda waxaa aad u badan booqashooyinka, dumarka qaar  waxey ku wareeraan nooca casuumaadda ama marti qaad ee ay u fidin karaan dadka u yimaadda ee qaraabada iyo asxaabta la ah, sida ay dadku u badan yihiin waxaa guri kasta lagu diiyaariyaa xalwo iyo buskut oo dadka qaar aaney jeclayn maadama ay ka cabsanayaan in miisaankoodo uu ku kordho, sidaa darteed; waxaan maanta idiin soo gudbin doonaan 6 doorasho oo marti qaad cajiib ah aad ku sameyn karto oo ka duwan wadada ay dadku u badan yihiin hal-abuurna uu ka muuqdo.

  1. Dadka Shukulaatada Jecel

Waxaad u diyaarin kartaa shukulaato fruits lagu laray oo faraawilo la soo raaciyay, waxaana la soo saari karaa warqadaha buskutka.

  • Fruits si fiican loo diyaariyay

Dadka aan jecleyn xalwada iyo buskutka waxaa lagu marti soori karaan khudaar fudud oo si soo jiidasho leh loo diyaariyay oo sahlan aadna u macaan.

  • Jalaato si heer sare ah loo diyaariyey

Fikradaha cajiibka ah ee iidda dadka lagu marti soori karo waxaa ka mid ah isticmaalka warqadaha buskutka oo lagu diyaariyay aaskiriim ama jalaato lagu soo daray xoogaa khudaar ah oo lagu macaaneynayo.

  • Koobab yaryar oo lagu diyaariyo Khudaar ay ka mid tahay kaarootada

Sidaas oo kale, waxaad martidadaada ku soori kartaa koobab yaryar oo uu ku diyaarsan yahay caano maraaci ama kareemka zabadiga la yiraahdo oo ay ku jiraan khudaar ay ka mid yihiin khiyaar iyo kaarooto, waxaa noocan ka hela dadka raashinka ay cunayaan aadka uga taxadara ee cunnada caafimaad ku dadaala.

  • Qaraha ama xabxabka oo si qurux badan loo diyaariyo

Martida kuu timaadda waxaad ku soori kartaa qaraha oo hab saddex gees ah loo diyaariyo oo la suray alwaaxda jalaatada mirahana laga guray, arrintaas oo u sahleysa martida iney si xarago leh u cunaan.

  • U diyaari martidaada Banana Cake

Martidaada u diyaari Ban Cake-ga oo si goobo loo ekaysiiyey, una soo raaci wixii ay ku cuni lahaayeen oo kala duwan, si qof walba dookhiisa uu u heli karo.

Si kastaba, waxaan idiin soo gudbinnay fikrado kala duwan qaabka martida loo sooro oo ka baxsan habkii ay dadku horey iskugu marti qaadi jireen ee xalwada iyo buskutka u badneyd si martidaada aad u farxad geliso fikrad cusubna aad u tijaabiso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close