CaafimaadkaWararka

Miisaankaa Lagu Dhimaa.. Faa’iidooyinka Laga Helo Ku Qubeysiga Biyaha Qabow


Waxaa wanaagsan in lagu qubeysto biyaha qabow, gaar ahaan xilliga Xagaaga ah, si uu jirku u dareemaan firfircooni dhididkana looga taqluuso, laakiin dadka qaar waxaaney ogeyn in caadadani ay leedahay faa’iidooyin farabadan waxaa ka mid ah in miisaanka saa’idka ah lagu dhimo xaaladda nafsi ahaaneed ee qofkuna ay ku hagaagto, iyo faa’iidooyin farabadan oo kale oo sadarrada soo aaddan aan ku ogaan karno, waa sida uu sheegay website-ka “naturallivingideas”

Faa’iidooyinka laga helo in lagu meydho miyo qabow

  • In biyo qabow lagu meydho waxey ku dareensiisaa nashaad iyo firfircooni baraarugaaguna wuu ku kordhaa, dhanka kale waxa uu kordhiyaa oxgeynka jirka, waxaa ku kordha heerka dhaqaaqa wadnaha iyo burqasahada dhiigga ee dhanka wadnaha oo farabata.
  • Sidaas oo kale biyaha qabow waxa uu kaalin ka qaataa in laga taqluuso welwelka, daalka waqtiga dheer ee keena madax xanuunka iyo kala daadsanaanta qofka.
  • Biyaha qabow waxey hagaajiyaan xaaladda nafsi ahaaneed ee qofka miisaanka saa’idka ahna waa lagu dhimaa, waxaa jira labo nooc oo dux ah mid bunni ah, waa nooca uu jirku u baahan yahay ee tamarta laga dhaliyo iyo baruurta cad, waana nooca dadka badankooda ay jeclaystaan iney iska dhimaan, markaa biyaha qabow waxey dhiirrigeliyaan baruurta bunniga ah oo tamar badan soo saarta baruurta cadna wax badan ka gubta, arrintaas oo keenaysa in miisaanka jirku uu is dhimo.
  • Biyaha qabow waxey kuu badbaadiyaan tamar badan oo koronto oo aad ku bixin lahayd diirinta biyaha marka aad kululeynayso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close