arrimaha bulshadaWararka

4 Talo oo Noloshaada Wax Badan Ka Bedeli Kara..Tan Ugu Muhiimsan waa Inaad Si Wanaagsan u Qorsheyso Fasaxaaga Kana Dheeraato Cunnooyinka Fudud


Waxaa jira ficillo farabadan oo khaladan oo aan sameynno, bilowga hore waxey u muuqdaan iney yihiin kuwo sahlan, laakiin saameyn weyn ku yeesha nolosheenna, maadama ay si gaar ah u taabanayaan caafimaadkeenna, hadaba; sida uu sheegay website-ka “Herbeuty”, waxaa jira 4 talo oo suurtaggal ka dhigaya iney bedelaan hab nololeedka oo sidii hore si ka wanaagsan isku bedesho.

  1. In laga dheeraado cunnooyinka fudud isla markaana la cuno mallaayaaga solomonka isbuuciiba hal-mar

Kalluunka Solomonka ee cas waxa uu ka mid yahay cunnooyinka caafimaad waxaa ku badan maadada Omega-3 oo ka shaqeysa cusbooneysiinta unuga ee gudaha jirka.

  • Qalabka xafiis ee wanaagsan waxey kugu taageeraan in dhabarkaaga iyo kala goosyada ay kuu wanaagsanadaan

Xafiisyada shaqada waxaan ku qaadannaa inta badan 8-saacadood oo shaqo ah, marka aan isticmaalno kursi aaney naftu ku raaxeysaneyn waxey soo dedejineysaa in cudurro badan ay ku dhacaan lafaha iyo kala goosyada, howlgudahashadaadadan ay hoos u dhac ku yimaado.

  • Qorshee fasax wanaagsan oo si farxad leh aad ku qaadato

Xilliga fasaxu waa waqtiga ugu habboon ee fikirkeenna aan ku nidaaminno oo aan ku cusbooneysiinno, markaan si wanaagsan u sii qorsheynno, si aan u soo qaadanno nasasho wanaagsan oo aan u helno firfircooni si aan howlgudasho wanaagsan oo dhanka guriga ah iyo mid shaqaba aan u sameynno.

  • Daasadda raashinku boorsada ha kuugu jiro

Iyadoo ay jirto in firkaradani ay tahay mid sahlan, ayaa hadana ay saameyn weyn ku leedahay caafimaadkaaga, khubarada caafimaadka cuntada ku takhasusay waxey ku talinayaan inuu qofku qaato khudaar fudud iyo fruits oo marwalba ka wanaagsan cunnooyinka fudud ee maqaaxiyaha lagu iibiyo ee miisaanka qofka kordhiya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close