arrimaha bulshadaWararka

Austria oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Iney Ka Qeybqaataan Challenge-ga Dhunkashada Lo’da oo Yurub Ku Faafsan (Muuqaal)

Wasiirka Beeraha Austria Elisabeth Köstinger, ayaa muwaadiniinteeda uga digtay iney ka qeybqaataan challenge-ga dhunkashada lo’da ee afka laga dhunkanayo, dhunkashadu ha noqoto mid carrabka laga dhunkanayo ama meel kale, maadaama ay khatarteeda caafimaad leedahay.

Wadamada Switzerland, Austria iyo Germany, waxaa ku faafay challenge-ga dhunkashada lo’da oo sabab uu u yahay App magaciisu yahay Castl oo dhanka taleefoonka lagala soo dago tabarucaadna loogu uruuriyo mu’asasad kheyri ah oo dhanka samafalka ka shaqeysa.

Dowladaha luqadda Jarmalka ku hadla, ayaa waxaa ku faafay sawirka qof lo’ dhunkanaya oo la soo dhigay Instgrame ka oo uu la socdo haashtagga “#KuhkussChallenge” oo luqadda jarmalka ku qoran oo macneheedu yahay (#Challenge-ga_dhunkashada_lo’da).

Waxaa suurtagal ah ayaa la leeyahay in hal dhunkasho oo qura ay qofka qaadsiiso 80 milayn oo nooc oo bakteeriyo ah oo aan la garaneyn dhibaatada ay qofka u geysan karto, waa sida ay qortay jariidada The Guardian.

Wasiirku waxa ay ku tilmaantay challenge-ga mid khatartiisa leh, dadka ka qeybqaadanaya waxey uga digtay in lo’du aaney la mid ahayn bisadaha guri joogta ah, oo haddii ay aragto adigoo ku ciyaarayo dhallaankeeda ay dhici karto iney ku dhibaateyso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close