Uncategorized

Mucjiso Dhab Ah..Gabar Yar oo Walaasheed Ka Badbaadisay Geeri Ay Qarka u Saarneyd (Muuqaal)

Gabar yar oo 10 jir ah ayaa waxey muujisay geesinimo aan iyadoo kale la arag, kadib markii ay isku tuurtay biyaha si ay u badbaadiso walaasheed oo khatar ugu jirtay iney biyo ku qariqanto.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka dhacaday gobolka Georgia gudaha dalka Mareykanka, waxaana lagu sawiray kaamirada ilaalada ee ay goobtu lahayd.

Ilbiriqsiyada muuqaalka ayaa waxaa laga arkayaa gabadha yar ee Daalis(labo sano jir ah) oo wadata buufinka lagu dabaasho oo isku dayaysa iney biyaha dushooda isku celiso, laakiin waqti yar kadib biyihii ayey ku maashooday, waxaase isha ku haysay oo aragtay walaasheed “Jiilaa” oo dhanka kale ka joogtay barkadda oo ah goob loo dabaal tago.

Jiilaa dhankii biyaha ayey u carartay waxey isku tuurtay biyihii waxeyna soo badbaadisay walaasheed, aabaha gabadhahan dhalay ayaa isna dhacdadan ku bararugay oo u soo cararay dhanka gabadhihiisa iskuna dayay inuu neef ka raadiyo gabadhii yareyd ee biyaha laga soo saaray.

Keeli isbitaalka ayaa loola cararay qalabka lagu neefsado ee oxygen laga helo ayaa lagu rakibay, markii muddo lala tacaalay ayey dib u soo miyirsatay oo la hubiyey iney badbaadday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close