arrimaha bulshadaWararka

Cunnooyin Aan La Qabsannay oo Lagu Talinayo Inaan Subixii Hore Lagu Af Bilaaban.. Qahwada iyo Mooska Ayaa Ka Mid Ah


In cunnooyinka qaar subixii ku af bilaabato sax maaha, maadama in subuxii hore cunnooyinka qaar aad ku af bilaabato ay saameyn weyn ku yeelato caloosha iyo xiidmaha oo dhibaato culus ay soo gaarto, khalad kasta oo aad ka sameyso doorashada cuntada aad subixii ku af bilaabaneyso waxa uu khatar badan ku yahay caafimaadkaaga iyo noloshaada.

Cunnooyinkaa waxaa ka mid ah:

Cunnooyinka Aside-ka leh- sida liin-banbeellada oo kale, waa cunto aad ugu wanaagsan in lagu quraacdo, maxaa yeelay; jirku waxa uu ka helaa awood iyo tamar laga bilaabo subixii hore, laakiin waxaa waajib ah in quraacda kadib aad qaadato, maxaa yeelay aside farabadan ayaa ku jirta oo caabuqyo u keeni kara calooshaada.

Xalwada- waxaa wanaagsan inaan lagu af bilaaban macmacaanka iyo shukulaatada subixii hore. Maxaa yeelay, beeryaraha waxaa ku adag subaxa hore inuu Incline farabadan soo saaro. Arrintaas oo keeneysa in uu dheeliyo miisaanka acid Base balance-ga ee jirka.

Qahwada- Qahwada waxey ku habboon tahay in la cabbo quraacda kadib, maxaa yeelay; marka qahwada lagu af-bilowdo waxey dhibaato u geysataa oo ay kicisaa xuubka Mucos-ka ee caloosha, arrintaas oo caabuqyo kuu keeni karta, sidaas oo kale in qahwada lagu af-bilowdo waxey culeys badan saartaa beerka oo ay khatar ay ku tahay.

Mooska- Xilliga ugu habboon ee mooska la cuno waa saacad ka dib cuntada marka aad cunto, mooska xilliga subixii calooshu si wanaagsan uma shiiddo, arrintaas oo kuu keenaysa dibiro, ku darso; mooska waxaa ka buuxa Magnesium kaas oo jirku si degdeg ah uu u nuugo, arrintaas oo culeys saarta wadnaha. Halka in si joogta ah mooska loo cuno uu dhibaato u geysto xididada dhiigga.

Qajaarka iyo khudaarta kale ee cagaaran- maaddooyinkan marka ay cusub yihiin waxey khatar ku yihiin caafimaadka marka subixii hore lagu af-bilowdo. Maxaa yeelay; waxaa ku jira aside awood badan, subixii horena caloosha wey ku adag tahay iney shiiddo, waxaa suurtagal ah iney kuu keenaan calool hur iyo nasasho la’aan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close