arrimaha bulshadaWararka

India oo 40% Gawaadhida Kirada u Bedelaysa Kuwo Korantada Ku Shaqeeya Marka La Gaaro 2026


Xukuumadda India ayaa goosatay iney ka dalbato shirkadaha gaadiidka kirada ee gaarka loo leeyahay iney u bedelaan 40% gawaadhidooda kirada kuwo kororntada ku shaqeeya marka la gaaro 2026.

Sida lagu ogaaday ilaha wareedyo la helyo iyo documentiyada ka soo baxay shirarka xukuumadda, waxaa la fari doonaa shirkadaha iney si tartiib tariib ah ugu wareegaan gawaadhida korontada ku shaqeeya, iyadoo marka la gaaro 2021 gawaadhida kororntada ku shaqeeya la doonayo iney gaaraan 2.5%, halka 2022 la doonayo in la gaarsiiyo 5%, sanadka 2023 10%, halka 40% laga rabo iney gaarsiiyaan marka la gaaro 2024.

Sida uu sheegay website-ka “thenextweb” ee dalka Holland laga leeyahay, waxaa suurtaggal ah in xukuumadda ay ku xirto in gaadiidka danta ganacsi loo soo iibsanayo sanadka 2026 ay waajib tahay iney noqdaan kuwo koronto ku shaqeeya, waxaa qorsheysan in sharcigan laga dhaqan geliyo dhanka mootooyinka ay isticmaalaan shirkadaha ka gacansada electronic-ga bilowga 2023.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close