arrimaha bulshadaCaafimaadka

Sir Khatar Badan oo Laga Daahrogay Dhacdadii Lagu Qabsaday Xaramka Makka 1979


Maxamed bin Suwayd al-Nufayci oo ah sarkaal hore uga tirsanaa guutada ciidanka dallaayadaha ku booda, isla markaana hoggaaminayay ciidankii sifaynta Xaramka Makka howlgalkii la magac baxay “Dhacdadii Juhaymaan” ee sanadkii 1979, ayaa daahrogay sir farabadan iyo faahfaahinno uu dhacdadaa ka hayo.

Al-Nufayci oo xilligaa hoggaaminayey ciidan gaar ah oo raacsan wasaaradda arrimaha gudaha Sucuudiga ayaa xusay “Inuu ahaa sarkaalkii dejiyay qorshihii koowaad ee sifeynta Xaramka Makka, taas oo ay xoogga ku saareen iney masaajidka dhowraan, ruuxda dadka muslimiinta ah ee ku dhex xayiran ay ilaaliyaan, ilaalinta ruuxda ciidankii howlgalka fulinayey iyo kooxda hubaysan oo nolol lagu qabto”.

200 oo qof oo hubeysan ayaa galay November 20, 1979 Xaramka Makka weyna qabsadeen iyagoo sheeganaya in “Mahdigii uu soo if baxay“.

Xilligaas waxaa xukumayay Sucudiiga boqorkii geeriyooday ee Boqor Khaalid Bin Cabdul al-Casiis, falka dunida muslimka gilgilay waxaa hoggaaminayey Juhaymaan al-Cutaybi iyo Soddogii Maxamed bin Cabdallaah.

Mas’uulkan sare oo horey uga tirsanaa ciidanka Sucuudiga ayaa sheegay inuu la kulmay Juhaymaan markii la qabtay kadib oo uu ku arkay hotel dhanka galbeed ka xiga xaramka xilli uu la socday amiir Sucuud al-Faysal.

Sarkaalkan al-Nufayci waxa uu ka warramay dood dhex martay amiir Sucuud al-Faysal iyo Juhaymaan, amiirku waxa uu weydiiyey sababta ku kalliftay falkan iney ku kacaan, waxa uu ku jawaabay “Qadarta Alle ayaa sidaa noqotay.”, Amiir Sucuud ayaa ugu jawaabay wixii dhacay Qadar ma aaney ahayne waxaa idinku kallifay waa sheydaan, Juhaymaan waxa uu ku jawaabay “Waa suurtagal iney shaydaan dhankiisa ahayd”.

Markii dooddu ay halkaa marayso ayaa amiir Sucuud uu weydiiyey Juhaymaan xilligaa la joogo waxa uu ubaahan yahay, waxa uu codsaday in biyo la siiyo, amiirkii waxa uu sarkaal Juhaymaan ka codsaday in biyo la siiyo.

Nufayci waxa uu diiday  oo uu gaashaanka u daruuray in dhacdadan ay ka qeybgaleen ciidamo Faransiis ah waxa uuna yiri, been ayuu sheegay qofkii yiraahda ciidamo Faransiis ah ayaa howlgalka ka qeyb ahaa.

Al-Nufayci waxa uu tiriyey ciidankii ka qeybqaatay sifaynta xaramka isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahaayeen ciidanka xarasal waddanka, ciidanka ammaanka gaarka ah, ciidanka iyo sirdoonka.

Xilligii salaadda Subax Muxarram1, 1400-H oo waafaqsaneyd November 20, 1979, ayaa Juhaymaan al-Cuteybi uu ka joogsaday xaramka isagoo uu garab taagan yahay Maxamed Cabdalla al-Qaxdhani, si uu ugu dhawaaqo inuu mahdigii soo daahiray, dadkii salaadda u yimid waxa uu u sheegay in Maxamed al-Qaxdhani uu yahay al-Mahdi ay waajib tahay in la raaco, xilligaa la joogo, rag raacsanaa oo gadaal laga ogaaday iney ka soo kala jeedaan 12-dowladood oo labo nin oo Mareykan u dhashay ay ku jiraan, ayaa la soo baxay hub ay hoos ku wateen oo ay ku soo qarsadeen naxashka dad mayd ahaa oo masaajidka loo keenay in lagu tukado.

Qolooyinkii hubaysnaa waxaa u suurtagashay iney kacbada albaabadeeda xiraan  oo ay gudaheeda dhufays adag ka dhigtaan, dadkii masaajidka ku sugnaa waxaa u suurtagashay iney salaaddii subax tukadaan, dadkii aaney u suurtagalin iney baxsadaan ee masaajidka ku sugnaa waxaa lagu qiyaasaa iney ahaayeen 100-kun oo qof oo qaarkood ay ku khasbanaadeen iney la mubaayacoodaan oo ay khaliif u aqoonsadaan Maxamed bin Cabdalla al-Qaxdaani.

Si kastaba, dhacdadan ayaa waxey sababtay in barxadda xaramka dhiig farabadani ku daato oo ciidankii ammaanka ay rag ka dhintaan halka qolooyinkii masaajidka soo weerarayna rag farabadan laga dilay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close