arrimaha bulshadaWararka

Tramp oo Weeraray NASA.. “Mars u Dira Aadane Intii Aad Dayaxa Ku Mashquuli Lahaydeen”


Madaxweyne Donald Tramp ayaa bartiisa twitterka soo dhigay farriin ka yaabisay dad badan oo daneeya arrimaha hawada sare, wakaaladda NASA ayaa waxa uu ka codsaday iney ka joogsadaan safarrada sahminta ah ee ay dayaxa u diyarayaan maadama in dayaxa la gaaro ay ahayd 50 sano ka hor, hadana ay waajib tahay iney diiradda loo leexiyo meeraha Mars, isagoo tilmaamay in “Dayaxu uu yahay qeyb Mars ka tirsan.”

Sida uu sheegay website-ka The Verge, qoraalka Trump ayaa dood badan dhaliyey, maadama dadaalka NASA ee xilliga maamulka Trump xoogga lagu saarayey in aadane mar kale loo diro dayaxa, Bishii Marso ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanku uu ka codsaday NASA iney u degdegaan sidii ay mar kale dayaxa dib ugu laaban lahaayeen, maadama ay tallaabadaasi lagama maarmaan tahay, bishii hore ayaa Trump uu ka codsaday Congresska iney miisaaniyadda ugu kordhiyaan 1.6-billion  si ay NASA ugu suurtagasho iney dayaxa gaaraan.

Qoraalka Trump arrinka ugu yaabka badan ee ku jiray waa inuu Mars ku tilmaamay inuu yahay qeyb ka mid ah dayaxa, laakiin hadalkiisaa waxaa loo fasiray inuu ula jeeday inuu dayaxu yahay tallaabada koowaad ee Mars lagu gaari karo, sidii horey ay NASA u tilmaantay, maadama ay khubaro badan isku raaceen in dayaxa dushiisu ay ku habboon tahay in lagu sameeyo tijaabooyin ugu dambeyn lagu gaari karo Mars.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close