arrimaha bulshadaWararka

11-sano Mar Laga Joogo Guushii uu Ku Helay Lottery 7.5 Milayn oo Giniga Istarliinka ah.. Sidan Ayuu Ku Lumiyey Hantidiisa (Muuqaal)


Iyadoo ay jirtay inuu ku guuleystay bakhtiyaa-nasiib lottery ah oo qiimihiisuu yahay 7.5-milyan oo giniga istarliinka ah, 11 sano ka hor, ayaa hadana aanuu helin nolol farxad leh kuma aanuu noolaan, waxa uu iibsaday qasri weyn, gawaadhi qaali ah, laakiin waxa uu furay xaaskiisa, markaa wixiii ka dambeeyay hantidiisii oo dhan dhulka ayey gashay oo markale ayuu dib ugu laabtay noloshii faqriga.

Roy Gibney(64 jir ah), oo horey uga shaqeyn jiray sameynta soolarka, ayaa waxa uu ku guuleystay 7.5 milayan oo giniga istarliinka ah sanadkii 1998, waxaana uu iibsaday guri qasri ah oo ku yaalla magaalada Lincolnshire ee galbeedka Ingiriiska, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriika ka soo baxda.

Gibney waxa uu 50-kun oo dolar ku iibsaday faras, waxa uu gatay gaari aad u qaali ah, xaaskiisiina wuu furay, arrinaas oo keentay ine hantidiisa inteeda badani ay ka lunto, kadib waxa uu dagay guri hal-qol ka kooban oo horey uu hooyadii ugu iibiyey!.

Waxa uu guursaday haweenay kale oo 58 jir ah, waxey iibsadeen guri cusub oo ka kooban 5 qol oo laga siiyay 300-kun oo gini, waxaana uu yiri: “Lacag farabadan ayaan lumiyey, hadda lacag yar ayaa bankiga ii taalla, waxa uu carrabka ku adkeeyay inaan lacag lagu iibsan Karin farxad, iyo in lottery lagu guuleysto aaney ka dhigneyn inaad farxad iyo badhaadhe aad si degdeg ah ku galeyso oo noloshaada ay mar qura is bedelayso.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close