arrimaha bulshadaWararka

Independent: Sucuudiga oo Doonaya Inuu Xukun Dil Ah Ku Fuliyo Da’yar La Xiray Isagoo 13-jir Ah


Jariidada Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa waxey soo daabacday cinwaan ay kaga hadleyso  “Sucuudigu waxey doonayaan iney xukun dil ah ku fuliyaan da’yar 13-jirkiisii ay xireen”.

Da’yarkan oo la yiraahdo Murtaja Qureyriis, oo hadda 18 jir ah, ayaa muddo 5 sano ah waxa uu ku qaatay gudaha xabsiga, dadka xuquuqda aadanaha u ol’olaleeya ayaa ka digaya in lagu rido xukun dil ah oo noqon kara daldalaad, oo lagu qaadanayo eedaymo khatar ah oo loosoo jeediyay oo ay ku jirto inuu ku biiray koox argagaxiso ah isla markaana uu ka qeybgalay banaanbaxyo looga soo horjeedo nidaamka Sucuudiga, ciidanka oo xabbado lagu furay, iyo in uu wax ka sameeyay bambo gacmeedyo lagu tuuray xarumo boolis.

Jariidadu waxey sheegtay iney jiraan warbixinno sheegaya in qiraalka uu sameeyey Qurayris ee maxkamadda la horgeeyay uu ahaa mid si khasab ah looga soo saaray, waxeyna farta ku fiiqday in Human Right Watch ay hoosta ka xariiqaday in xeer ilaalinta guud ee Sucuudigu ay geed gaaban iyo mid dheerba u koreen sidii xukun dil ah loogu ridi lahaa Qurayris, iyadoo dacwaddiisa saldhig looga dhigayo dambiyo uu geystay xilligii uu 10 jir ahaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close