arrimaha bulshadaWararka

Waxa uu Ku Eedaysan Yahay Dilka 60-dumar ah..Waxa uu Qirtay 90 Dumar Ah oo Ku Sugnaa 14 Gobol.. Wax Ka Ogow Sheekada Dhiigyacabka Waayeelka Ah ee Mareykanka u Dhashay


Kadib markii uu qirtay inuu dilay in ka badan 90 dumar ah gudaha Mareykanka, ayaa dambi baarayaashu waxey xaqiijiyeen inuu ku eedaysan yahay dilka in ka badna 60 dumar ah oo ka dhacay 14 gobol, waa 79 jir, waxaana uu sidaa ku noqon karaa ayaa la leeyahay, qofkii ugu dhiig daadinta badanaa gudaha Mareykanka.

Boby Bland oo ah looyarka Taxis, ayaa sheegay in Samuel Little uu wado caawinta uu la sameynayo dambi baaryaasha dhammaan daafaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo su’aalo ku weydiinaya gudaha xabsiga, dambiyadii uu geystay Todobaatameeyadii qarnigii hore.

Little waxa uu sheeganayaa inuu dilay dumar ka badan 90 oo ku kala sugnaa daafaha kala duwan ee Mareykanka intii u dhaxeysay 1970 ilaa 2005, wuxuuna si gaar ah u beegsan jiray dumarka jirkooda ka gacansada.

Little waxa uu ku eedaysan yahay inuu saddex dumar ah ku dilay gobolka Los Angelis, waxaanuu qirtay inuu haweenay kale ku dilay Taxis, hadda xabsi daa’im ayuu ku qaadanayaa California.

Mark Pippemeyer oo ah kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee Hamilton, Ohio, ayaa yiri : “Dhankiisa dumarka ceejo ayuu ku dili jiray marka uu la seexdo, waa qof aan la fahmi Karin, aad ayuu nooga yaabiyey, waxa uu ka duwan yahay qof kasta oo kale oo aan horey ula mucaamilnay.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close